Shirka sanadlaha ee arrimaha caafimaadka oo lagu qabtay Muqdisho


Shirkan caafimaad oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Jaamacadaha Simad iyo Jamhuuriya islamarkaana ay ka soo qeybgaleen Xubno katirsan dowladda federaalka ee Somaliya Masuuliyiinta Jaamacadaha Simad iyo Jamhuuriya, Cilimi bareyaal, ardayda Jaamacadaha dalka iyo dadweyne islamarkana soconeysay mudo labo maalmood ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.
Bandhigan oo diirada lagu saaray xal u helida mushkiladdaha caafimaad ee dalka ayaa waxaa khudabod ka soo jeediyay masuuliyintii ka qeybgashay kulanka, waxaa sidoo kale lagu soo badhigay daraasado ka hadlaya xaaladaha caafimaad ee dalka.
Mudadii uu socday badhigga ayaa waxaa ka hadlay ilaa 32 cilmi baareyaal caafimaad ah oo soo jeediyay mowduucyo kala duwan. Waxaa sidoo kale mudadada uu socday bandhigga ka  hadlay mas’uulyiin katirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kuwaas oo dhamaantood bogaadiyay qabanqaabada wanaagsan ee shirka ayaga oo dhiiragaliyay in la joogteeyo bandhigyada noocan oo kale ah
Qaar kamid ah ardaydii ka soo qeybgashay shirka ayaa sheegay in ayagana ay mudadii uu kulanka soconayey waxbadan ka faa’iideen.
Waa markii ugu horreysay ee ay si wadajir ah u qabtaan bandhig heerkan oo kale ah labo jaamacadood oo dalka ah waxa  ayna qaar kamida cilmi baarayaashii ka qeybgalay oo ka kala yimid gudaha iyo dibada Soomaaliya intaba sharraxaad kasiiyeen ka qeybgalyaasha kulanka waxyaabihii ay ku ogaadeen cilmi baarisyadii ay soo saaareen ee la xariiray arrimaha caafimaadk.

Developed by Jago Desain