Wasaarada Haweenka Puntland oo qabatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Gudniinka Gabdhaha

Wasaarada Haweenka Puntland oo qabatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Gudniinka Gabdhaha

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa qabtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Gudniinka Gabdhaha oo sanadkasta la xuso 6 bisha Febraayo, waxaana halkudhig looga dhigay sanadkaan “ Muujinta Awooda Dhalinyaradda: 10 sano oo ah dardargelinta ciribtirka gudniinka gabdhaha”.


Xuskan ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Harumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Moxamed Cabdirisaq Nuux, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland, Madaxda Haya’daha caalamigaa iyo kuwa maxaligaa, waxaana looga hadlay sidii deegaanadda Puntland iyo Soomaaliya guud ahaanba looga ciribtiri-lahaa gudniinka gabdhaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka Maxamed Cabdirisaaq Nuux oo Munaasabada daah-furay ayaa sheegay in loo baahan yahay in
si wadajir ah la isaga kaashado ciribtirka gudniinka gabdhaha, dhalinyaraduna qaybweyn uga qaadan lahaayeen kacdoonka lagu doonayo in lagu ciribtiro
gudniinka gabdhaha.

Maxamed Cabdirisaq ayaa sidoo kale ka warbixiyay dadaalada ay xukuumadda Puntland ugu jirto u qareemida meelmarinta sharcigga joojinta
gudniinka gabdhaha waxaana uu ku dheeraaday waxyaabihii wasaaradda uga qabsoomay arrimaha ciribtirka gudniinka gabdhaha.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland Cabdiwali Mire Xirsi ayaa sheegay in ay dhibweyn tahay in lagu tacadiyo gabar islamarkaana ay muhiima tahay in laga wacyi-galiyo bulshada joojinta ficilada arxan daradda ah ee lagula kacayo gabdhaha.

Baxsan oo ka tirsan Haya’dda UNFPA ayaa sheegtay inay ka go-na tahay hay’adda UNFPA ciribtirka gudniinka loo gaysanayo gabdhaha taasi oo ah dhaqan wuxuushnimo ah.

Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Riwaayado,Heeso iyo fariimo xanbaarsan ciribtirka gudniinka gabdhaha oo lagu baraarujinayo bulshada Puntland



Developed by Jago Desain