DEG DEG:Puntland oo dib uga laabatay go’aankii xiritaanka masaajida kadib markii ...

Dowladda Puntlland ayaa dib uga laabatay go’aan maalintii shalay ahayd kasoo baxay guddiga ka hortaga faafitaanka cudurka Coranavirus, kaas oo ahaa in muddo labo tobadaad ah la xidho masaajida iyo goobaha kale ee cibaadada ee ku yaala deegaanada Puntland. Ka labaashada go’aankan ayaa ka yimid kadib markii culimada diintu ay arinkan ku tilmaameen go’aan aan munaasib ahayn xiligan, iyagoo ugu baaqay madaxda Puntland ay la yimaadaan qorshe kale oo aan ahayn in la xidho goobaha lagu cibaadaysto. Kulan ku dhex maray culimada iyo guddiga ka hortagista cudurka Coronavirus ayaa ugu dambayntii lagu go’aamiyey in xukuumaddu ay ka laabato go’aankaas, hasa yeeshee waxaa la isku raacay in lasoo gaabiyo wakhtiyada lagu cibaadaysto masaajida, in la xidho musqulaha ku yaala masaajida iyo in la joojiyo casharada diiniga ah ee masaajida lagu qabto. Wasiirka cadaalada Puntand Cawil Sheikh Xaamud ayaa sheegay in xidhitaanka masaajida ay noqon doonto talaabooyinka ugu dmabeeya ee la qaadan doono hadii cudurka Coronavirus uu soo gaadhan deegaanada Puntland halka caasimada Puntland duleedkeeda laga furay xarun lagu dawayn doono dadka qaba cudurka Coronavirus.

Dowladda Puntlland ayaa dib uga laabatay go’aan maalintii shalay ahayd kasoo baxay guddiga ka hortaga faafitaanka cudurka Coranavirus, kaas oo ahaa in muddo labo tobadaad ah la xidho masaajida iyo goobaha kale ee cibaadada ee ku yaala deegaanada Puntland.

Ka labaashada go’aankan ayaa ka yimid kadib markii culimada diintu ay arinkan ku tilmaameen go’aan aan munaasib ahayn xiligan, iyagoo ugu baaqay madaxda Puntland ay la yimaadaan qorshe kale oo aan ahayn in la xidho goobaha lagu cibaadaysto.

Kulan ku dhex maray culimada iyo guddiga ka hortagista cudurka Coronavirus ayaa ugu dambayntii lagu go’aamiyey in xukuumaddu ay ka laabato go’aankaas, hasa yeeshee waxaa la isku raacay in lasoo gaabiyo wakhtiyada lagu cibaadaysto masaajida, in la xidho musqulaha ku yaala masaajida iyo in la joojiyo casharada diiniga ah ee masaajida lagu qabto.

Wasiirka cadaalada Puntand Cawil Sheikh Xaamud ayaa sheegay in xidhitaanka masaajida ay noqon doonto talaabooyinka ugu dmabeeya ee la qaadan doono hadii cudurka Coronavirus uu soo gaadhan deegaanada Puntland halka caasimada Puntland duleedkeeda laga furay xarun lagu dawayn doono dadka qaba cudurka Coronavirus.
Developed by Jago Desain