DEG DEG:Shirkii wada tashiga Puntland oo go’aamo laga soo saaray

DEG DEG:Shirkii wada tashiga Puntland oo go’aamo laga soo saaray

Waxaa haatan go’aamo rasmi ah laga soo saaray shirka wada tashiga Puntland, kaas oo muddo saddex maalmood ah ka socday gudaha magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
Shirka oo ay ka qayb galeen isimo, waxgarad, siyaasiyiin, madaxweynayaashii hore ee Puntland, xildhibaano, xubno ka socda dowladda federaalka Soomaaliya, madaxweynaha Puntland, wasiiro iyo marti sharaf kale ayaa waxaa laga soo saaray qodobo xasaasi kuwaas oo ay kamid yihiin:-
Midnimada siyaasada iyo maamul wanaaga.
Shir weynuhu waxa uu ku baaqayaa in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliya, iyadoo loo marayo nidaamka fadaraaliga ah ee lagu heshiiyey.
Shir weynuhu wuxuu si gooni ah ugu mahad celinayaa hogaanka dhaqanka Puntland doortii shariifka ahaa ee ay ka qaateen aasaaskii dowladdnimada Puntland iyo kaalinta ay ku leeyihiin midnimada bulshada.
Shir weynuhu wuxuu bogaadinayaa horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatay Puntland muddadii ay dhisnayd horumarkaas oo ay kamid yihiin dhismaha hay’addaha dowliga ah, bixinta adeegyada bulshada, dhismaha kaalinta dhaqaalaha iyo kaalintii hormuudnimo ee Puntland ay ka qaatay dhismaha iyo taaba gelinta dowladda federaalka Soomaaliyeed.
Shir weynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland ay ku aasaasantay shanta gobol ee kala ah:- Bari, Sanaag, Sool, Nugaal, Waqooyiga iyo wadada Garacad iyo Gal-dogob.
Shir weynuhu ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay dowladda Puntland inay si deg deg ah ula timaado qorshe cad oo looga hortagayo cudurada faafa gaar ahaan cudurka hada taagan ee Coronavirus.
Xidhiidhka dowladda federaalka iyo Puntland.
Shir weynuhu wuxuu qirayaa in dowladda Puntland ay si mug leh uga soo baxday kaalintii kaga aadanayd dhismaha iyo taaba gelinta dowladda federaalka ah, taas oo ah hadaf kamid ah ahdaaftii loo aasaasay Puntland 1998-dii.
Arimaha Dasrtuurka
Maadaama hanaankii dibu eegista Dastuurka la baal maray maadaama si ula kac ah looga tagay xubnihii dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah uga qayb gali lahaa gudida madaxa banaan ee dibu eegista Dastuurka iyo maadaama uusan hadhin wakhti si waafi ah looga fara buuxsan karo lana fulin karo arimaha aasaaska u ah Dastuurka sida is waafajinta Dastuurada iyo aftida dad weynaha.
Developed by Jago Desain