Itoobiya Oo Lagu Weeraray Ajaaniib Looga Shikiyey Coronavirus

Itoobiya Oo Lagu Weeraray Ajaaniib Looga Shikiyey Coronavirus

Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya waxay sheegtay in dad ajaanib ah lagu weeraray gudaha dalkaas kaddib markii lagu eedeeyay inay qabaan cudurka Corona.

“Wararka waxay sheegayaan in dad ajaaniib ah lagu weeraray dhagxaan, loona diiday inay ku safraan gaadiidka dadweynaha….candhuf lagu tufay isla markaana la ceersaday xilli looga shakiyay inay qabeen cudurka Covid-19” ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay safaaradda.

Safaaradda waxay sheegtay in dhibaatooyinka ay bilowdeen markii kiiskii labaad ee cudurka Corona laga xaqiijiyay gudaha Itoobiya.

Itoobiya waxay xaqiijisay kiiskii lixaad ee ku saabsan cudurka Corona.
Developed by Jago Desain