Lix qof oo Soomaali ah oo Sweden ugu geeriyooday Coronavirus

Lix qof oo Soomaali ah oo Sweden ugu geeriyooday Coronavirus

6 qof oo kamid ah 15 ruux oo dalka Sweden ugu geeriyooday caabuqa Corona ayaa la sheegay in ay yihiin Soomaali asal ahaan.

Telefishinka Sweden ee SVT aya baahiyey caawa xogtan isagoo xiganaya ururka isu taga dhakhaatiirta Sweden.

Arintan ayey kooxda dhakhaatiirtu ku sheegeen in ay ugu wacan tahay dadka oo aan helin xog buuxda oo cudurkan la xirriira markii uu dalka ku faafay halka dadkuna ay caadi u dhaqmayeen.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegay in badi dadkaasi ay yihiin dad cuduro horey u qabay, waxaana ay keentay in cudurkani ku dhex faafo Soomaalida dhexdeeda oo iyagu intooda badan degan guryo cirriiri ah, taas oo ay keenayso in la is wada qaadsiiyo.

Wa tiradii ugu badnayd ee Soomaali ah ee hal dal ugu wada geeriyooto caabuqa Coronavirus.
Developed by Jago Desain