Madaxweynaha Deni oo Corone-Virus awgiis u joojiyey dhammaan Shaqooyinkii & Qaabiladii Hay’addaha dawladda.


Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa joojiyey la kulanka masuuliyiinta maamulkiisa iyo qaabilaada Dadweynaha, markii uu kasoo laabtay safar qaatay 7 maalmood oo uu ku joogay deegaanada Xeebaha ee gobalka Nugaal, halkaas oo uu sheega in uu tagay safar nasasho ah, balse ay kasoo baxayaan macluumaad kala duwan.

Madaxweynaha Puntland ayaa joojinta cusub oo xalay bilaabatay lagu sheegay faafida cudurka Corone-Virus ee dunida, maadaama uu saameeyey dad badan oo Soomaaliyeed, sidaas oo kalena ay jiraan kiisas la tuhunsan yahay magaalada Garoowe.

19-kii bishan ayuu Madaxweynaha Puntland sheegay in uusan qaabili doonin cidna, gaar ahaana Ergooyinkii iskaga yimi gobalada Puntland, oo uu sheegay in sababaha Corone-Virus awgeed ay tahay in laga dheeraado kulamada gaar-gaarka ah.

Wasiiro katirsan Xukuumadda Puntland ayaa xalay laga celiyey Aqalka Madaxtooyada, gaar ahaana guriga Madaxweynaha oo ay doonayeen in ay kulan kula yeeshaan, ka dib markii ay horey balan u lahaayeen, balse si kedis ah loogu wargaliyey in la joojiyey.

Sidaas oo kale, waxaa jira warar sheegaya in kulamada laamaha Ammaanka iyo dadka Madaxweyne Deni qaabilayaba xagga telfoonka loo wareejiyey, taas oo ka dhigan cabsi halkii ugu sareysay iyo taxadar dheeraad ah.

Xanuunka Corone-Virus ayaa noqday waxa ugu badan ee laga cabsi qabo ee dunida maanta, isagoo ku dhacay madax badan oo caalamka ah, gaar ahaana u dambeeyey Ra`iisulwasaaraha UK oo shalay laga helay iyo xubno katirsan golihiisa Wasiiradda, gaar ahaana wasiirka Caafimaadka oo hadda la dhigay goob caafimaad.
Developed by Jago Desain