Shiinaha oo Maraykanka ku eedeeyey inuu ka dambeeyey Coronavirus

Shiinaha oo Maraykanka ku eedeeyey inuu ka dambeeyey Coronavirus

Dalka Shiinaha oo ah wadankii ugu horeeyay ee uu ka dilaacay xanuunka Corona ee hataan dunida ku faafay ayaa ka hadlay dalka uu ku tuhmayo in uu ka dambeeyay faafida xanuunka Corona.
Wakalaadda wararka ee Reuters ayaa warisay in afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Shiinaha Zhao Lijian uu bartiisa Twiter-ka ku qoray in milateriga Maraykanka laga yaabo in xanuunka corona ay geeyeen magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka dilaacay xanuunka, saameynta ugu bandana uu ku yeeshay.
“Waxaa laga yaabaa in ciidmaada Mareykanka ay xanuunkaasi safmarka ah geeyeen Wuhan warkiinu ha cadaado, waxaana Maraykanka ka sugeynaa fahfaahin ku aadan arrinta” ayuu Zhao ku qoray bartiisa Twiter-ka.
Hadalka afhayeenka ayaa kusoo aaday xilli safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Mr Songtian uu sheegay in xanuunka uu ka bilawday dalka shiinaha balse taas aysan ka dhigneyn in xanuunkas markiisi hore ka bilawday dalkaas.
Ilaa iyo hadda ma jira wax war oo ku aadan arrintaas oo ka so baxay dowladda Maraykanka, waxaana sidoo kale aan la ogeyn sida ay suurtagal u noqon karto in ciidanka Maraykanka ay xanuunkaas ay geeyaan Wuhan iyo sababta maadaama aysan kamid ah ahayn dalka Maraykanka.
Developed by Jago Desain