Shiinaha Oo Soomaliya Ka Caawinaya Dagaalka Conronovirus

Shiinaha Oo Soomaliya Ka Caawinaya Dagaalka Conronovirus


Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed kheyr ayaa xafiiskiisa ku qaabilsay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya magaalada caasimada ah ee Muqdisho, Mr Qin Jian.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka labada dal iyo dagaalka lagula jiro ka hortaga cudurka Coronavirus oo kiiskiisii ugu horreeyay laga helay dalka.

Ugu horreyn wasiiru dowlaha ayaa ka mahadceliyay taageerada kala duwan ee Shiinaha u fidiyo Soomaaliya, isagoona sidoo kale boggaadiyay tabarucaadda bani’aadannnimo ee agabka caafimaad ee ay hay’adaha Ma Yun iyo Alibaba ugu deeqeen wadamada Afrika.

Labad hay’adood ee kala ah Ma Yun iyo Alibaba ayaa dhowaan ku deeqay 100,000 maaskaro, 1,000 dharka ka hortagga iyo walxo kale oo la gaarsiinayo dowlad kasta oo ka mid ah 54 dowladood ee Afrika, si la mid ah waxaa wadamadaasi loogu tabarucay 20,000 oo xirmooyinka qalabka baaridda-caafimaad ee caabuqani lagu sameeyo.

Agabka oo sidoo kale ka kooban 6 milyan oo maaskaro ah, 1.1 milyan oo xirmo baarid-caafimaad, 60,000 isku-joog dharka ka hortagga ah 60,000 oo maaskaro ka hortag leh iyo walxo kale ayaa waxaa la gaarsiiyay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa, iyadoo isla beri oo ah Isniin loo kala daabuli doono qaaradda Afrika.

Shiinaha ayaa wuxuu ka mid yahay wadamada uu sida ba’an uu sameeyey cudurka Corona, inkastoo dowladda dalkaasi ay si weyn ula daagalanatay la tacaalidiisa
Developed by Jago Desain