Wasiir ka tirsan xukumadda Khayre oo dalab xasaasi ah hordhigay Siciid Deni

Wasiir ka tirsan xukumadda Khayre oo dalab xasaasi ah hordhigay Siciid Deni


Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee xukuumadda Xasan Cali Khayre oo manta khudbad ka jeedinayey shirweynaha ka socda Garoowe ayaa dalab xasaasi ah hordhigay madaxweynaha Puntland, Siciid C/laahi Deni.
Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka mid ah wasiirada dowladda federaalka ee ka qeyb galaya shirweynahaasi ayaa ka dalbaday Deni inuu gogol u dhigo madaxa dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si looga wadahadlyo khilaafaadka ka jira.
“Waxaan rajo ka qabaa in Khilaafka uu meesha ka bixi doono, waxaana ku han weynahay in shirkani uu wax walba soo afjaro,waxaana ka codsanayaa Madaxweyne Deni in uu casuumo Madaxda soomaalida si ay uga wada hadlaan khilaafka dhexdooda ah ayuu yiri.” ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Bidhaan Warsame.
Sidoo kale wasiir Bidhaan ayaa ka codsaday madaxweynaha Puntland inuu u soo raaco magaalada Muqdisho, si heshiis dhab ah looga gaaro khilaafka labada dhinac.
“Waxaan kaloo rajeynayanaa in markaan uu madaxweynaha na sii raaco oo Xamar yimaado.” ayuu markale yiri wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo halkiisa uu yahay khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo markale sii xoogeystay, kadib markii wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay shahaadada u diiday ardayda dugsiyada sare ee maamulkaasi.


Developed by Jago Desain