Hambalyo :Cabbane Caynab Muuse oo loo doortay Gudoomiyaha Degmada Baargaal

Hambalyo :Cabbane Caynab Muuse oo loo doortay Gudoomiyaha Degmada Baargaal

Golaha Deegaanka degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu ayaa doortay guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa, kaddib markii maanta halkaasi lagu qabtay doorasho muddo la sugaayay .

Golaha Deegaanka Degmada Baargaal oo ka kooban 21 xubnood ayaa waxaa dib loo dhigay saddex xildhaan waxaana saakay la dhaariyay 18 xildhibaan oo codka dhiibtay.

Codadkii la dhiibtay waxaa ku guulaystay Musharax Cabane Caynab Muuse oo helay 13 cod asagoo noqday guddoomiyaha golaha deegaanka ahna guddoomiyaha degmada Baargaal halka musharaxii la tartamaayay oo ahaa gudoomiyihii hore ee Degmada Baargaal Mudane Abuukar indhacade uu helay 5 cod

sidoo kale, golaha deegaanka Degmada Baargaal waxay ku-xigeenka degmada u doorten Ugaas Maxamed Axmed oo helay 11 cod Halka Mire oo latartamayay uu helay isna 7cod

Wasiirka Arimha Gudaha federaalka iyo dimuqaradiyeynta Dowlada Goboleedka Puntland Mudane Maxamaed C/raxmaan DhabanCad oo goob-joog ka ahaa doorashada ayaa marka hore u hambalyeeyay gudoomiyaha cusub ee la doortay iyo ku xigeenkiisa asagoo kula dardaarmay inay la yimaadaan shaqo hufanaan.

wuxuuna wasiirku ballan qaaday inuu u qareemi doono Baargaal , Lana shaqayn doona xubnaha la doortay iyagana laga rabo inay wada shaqeeyaan kana shaqeeyaan hormuarka degaanka


BAARGAAL MEDIA
Developed by Jago Desain