SAWIRO: Munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta Dawlada hoose ee Degmada Baargaal

SAWIRO: Munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta Dawlada hoose ee Degmada Baargaal

Munaasabad xil wareejin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Baargaal mudane cabbane Caynab muuse iyo ku xigeenkiisa Ugaas maxamed axmed  ok dhawaan la doortay iyo Gudoomiyhii hore ee Degmada Baargaal Abuukar axmed  yuusuf (abuukar indhacade) ayaa ka dhacday xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu.

munaasabada ayaa waxaa ka Soo Qayb galay Gudoomiyaha gobolka gardafuu mudane muuse saalax guuleed  , isuduwaha wasaarada Arimaha Gudaha gobolka gardafuu  , maamulkii hore EE Degmada Baargaal ee xilka wareejinayaiyay iyo Maamulka cusub ee xilka la wareegayag

waxgarad ,ay hor kacaayeen Suldaan maxamed muuse indhataag Suldaanka guud ee beelaha Aadan c/raxmaan , siyaasi rug caddaa aadan maxamed Cali , Nabadoon Axmed salaad C/raxmaanm
 dhalinyaro, haween iyo saraakiisha ciidamada ayaa ahayd mid ay dadweynaha ku dhaqan Degmada Baargaal ay maalmahanba sugayeen

Munaasabada xil wareejinta oo ay ka hadleen dhamaan cuqaasha waxgaradkii ka Soo qayb galay  ayaa waxaa hadalada Soo xiray Gudoomiyaha Gobolka gardafuu isagoo ku soo dhaweeyay maamulka cusub ee xilka la wareegay ugana waramay inay u taalo hawl aad u culus loona baahanyahay inay yeeshaan dul qaadkeeda.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari


























Developed by Jago Desain