Akhriso : Puntland oo mamnuucday caagadaha mustacmalka ah

Puntland oo mamnuucday caagadaha mustacmalka ah

Dowladda Puntland ayaa si rasmiya u mamnuucday soo dejinta, ka ganacsiga iyo isticmaalka Caagadaha mustacmalka ah ee laga keeno dalka dibaddiisa.

Qoraal maanta oo Sabtiya ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu mamnuucay soo dejinta, ka ganacsiga iyo isticmaalka caagadaha mustacmalka ah ee laga keeno dalka dibaddiisa

Qoraalka ayaa lagu xusay, in dowladda Puntland ay la wareegi doonto dhammaan caagadaha waaweyn ee dhex yaalla dekedda Boosaaso, islamarkaana ay magdhow ka siin doonto cidda iska leh.


Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa amray in laga bilaabo maanta, ganaax sharciga waafaqsan laga qaadi doono markabkii ama doontii Puntland ka soo dejiya caagadaha mustacmalka ah.

Halkan ka daalaco wareegtada

Developed by Jago Desain