GUNGUME HALIS AH OO CARRUUR KU LAAYAY MIYIGA XIINGALOOL

Maydadki Carruurta oo la aasayo
Maydadki Carruurta oo la aasayo

Wararka ka imaanaya Miyiga magaalada Xiingalool ee Gobolka Haylaan ayaa sheegaya in halkaas uu bahal-hoose ku cunay laba carruuro walaalo ah kuwaas oo labadiiba geeriyooday.

Labada carruurta ah oo da’dooda lagu qiyaasay 5-sano jir iyo 7-sano jir islamarkaana uu dhalay qoys Reer Miyi ah oo deggan nawaaaxiga magaalada Xiingalool ayaa saaka la aasay kadib markii ay u geeriyoodeen qaniinyada bahalkaas.


Bahalka oo ahaa nooca loo yaqaan gungumaha ee halista badan ayaa xalay hurdada ku miray labadaasi carruurta ah oo wada jiifay sida laga soo xigtay waalidkooda waxaana labaduba geeriyoodeen isla markiiba.

Gungumihii Carruurta cunay oo dib ugu laabtay kob meesha ku tiillay ayaa saaka si weyn looga baadi-goobaya aga’gaarka qoyska si looga badbaadiyo dadka inta hartay inkastoo aan weli lagu guulaysan in la helo.
Developed by Jago Desain