Taariikhda raaska Gardafuu (Cape Gardafui) ama halka la yiraahdo raas caseyr.

Taariikhda raaska Gardafuu (Cape Gardafui) ama halka la yiraah raas caseyr.

Waxaa qoray : Cabdiwahaab Axmed Cali


Marin biyoodka xiriiriya gobolka Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed, Juqraafi ahaan weligiis ayuu muhiim u ahaa herddinka quwadaha, taariikh fog iyo mid dhow ba, waxaa dhaca oo isku mara badweynta India iyo badda cas; gacanka Cadmeed iyo gacanka Assab; Marinka Manddab iyo meelo kale oo istaraatiiji ah.Bar kulanka geeska afrika iyo Bariga dhexe, waa halka ay isku bartaan badaha Mediterranean ka iyo Badweynta India, irridda hore ee laga soo galo geeska Afrika iyo dawga ay sii/soo maraan shixnadaha iskaga kala goosha labada daraf.

Taariikh ahaan waa rab sooyaal fog leh, haddaba waxa aan qoraalkan ku faaqidi doonnaa taariikhda raaska Gardafuul (Cape Gardafui) ama halka la yiraah raas caseyr.

Waa Maxay Raas?


Raas (Cape) waa buur dhagax ka sameysan oo kasoo bilaabanta dhanka berriga, madaxana la gasho xeebta badda, illaa ay baddasho cabbirka biyaha xeebta. Raasaska waxaa ay ku sameysmaan natiijada isbaddallada waa weyn ee ku yimaada dhulka, sida foolkaannooyin (Volcanoes) qarxay,durdurka barafka xadka dhaafka ah (Glaciers) iyo dhallan rogga gun iyo baarka ah ee ka dhasha isku milanka dhulka iyo badda.

Juquraafi ahaan raas caseyr ama Raas gees Gardafuul, waxa uu dhacaa cirifka ugu dambeeya (ee jihada bari qaaradda Afrika (The Extrem point of Eastern Africa) waxaa uu xudduud la leeyahay badweynta India iyo badda cas,

Magac Bixinta Gardafui iyo Siyaallihii ay ku imaadeen!

Sheekooyinka la weriyo ee ku aaddan magac raaska Gardafui aad ayeey u kala geddisan yihiin, ciiddana uga badan yihiin, ha yeeshee midda ugu caansan, uguna macquulsan ayaa ah in magaca Gardafui uu ka kooban yahay isku xiranka laba erey oo Taliyaani ah, kuwaas oo kala ah Guarda iyo Fui oo micno ahaan u dhigmata “eeg oo carar” (look and escape) waxaa laga dhadhansan karaa micnaha labada erey in ay goobtan ahayd marin halis ah oo maraakiibta iyo badmareennada ay aad uga caagganaayeen sii joogiddeeda.

Sida uu David Le Breton ku sheegay buuggiisa I Remember It Well, isaga oo soo xiganaya buugga The Guardian Angel magac Guardfui waxa uu kasoo jeedaa ciriqa reer (Qabiil) degnaan jiray nawaaxigaas, oo la oran jiray Guardaf, se dhab ahaanshiyaha sheegashada qoraaga ma hubo in hadda reerkaas ama taran ka tafiirantay ay jiraan, se waa laga yaabaa, maaddaama aanan aqoon badan u lahayn deegaankaas iyo dadkiisaba.

Sababta magac bixinta Iyana waa la isku khilaafsan yahay, oo taariikhyahannada waxa ay weriyaan sheekooyin kala geddisan. Haddaba aan si hoos ah u guda galno sheekooyinkaas.

Koonfurta Raas Guardfui waxaa dhaca raas beenaad ka Ras Scenaghef (Raas Shannaqiif) kaas oo ay ku hadooddilmi jireen maraakiibta xilliga habeenkii ah, ma ahan Raas dhammeystiran oo buuxiyay shuruudihii Raas ka looga baahnaa, haddana waxa uu u muuqanayaa Raas dhammeystiran marka dusha sare laga soo arkayo, taas waxa ay keeni jirtay in maraakiibtu ku sirmaan raaskan, kuna soo xirtaan.

Aaggaas maraakiib badan oo ku burburay, waxaana la rumeysan yahay in ay badankoodu sabab u ahayd in ay ku khalddameen Raas Beenaadkaas, 8 Markab oo waa weyn ayaa ku burburay Raaska Shannaqiif, waxaana magacyadooda laga xusi karaa Sonkorle, Bariisle, Mieko, Masuuxle Iyo kuwa lamidka ah. Magacyadan badankooda waa magacya ay ula baxeen dadkii deegaanka sida laga dhadhansan karo waxaa loogu wanqalay hadba shixnaddii ay wadeen, haddii ay ahaan lahayd midka Sonkorle loogu magac daray ee waday Sonkorta iyo kan Bariisle loo yaqaannay ee waday isna Bariiska.


Maraakiibta halkaas ku jabta waxaa bililliqeysan jiray Soomaalidii deegaanka, kuwaas oo ka faa’iideysan jiray fursaddaas mar la’aragga ah. Mararka qaar dadka deegaanka waxa ay u noqon jirtay kaltirsi, oo waxaa laga yaabaa in qofka dhasha xilligii uu soo caarinayay Markabkii Bariisle, loogu abtiriyo marka gu’gii uu dhashay loo sheegaayo “hebel waxaa uu dhashay gu’gii Bariisle” sidaa darteeda Raas Beenaadka iyo jabka maraakiibta waxaa ugu sugneyd faa’iido weyn dadkii deegaankaas degnaa.

Sababta xigta ee suurtagalka ahi waa in Soomaalidii degneyd aagga Caluula illaa Raas Caseyr sida taariikhda dhulmareennada qaar sheegayaan ay ahaayeen dad carqaladeeya habsami u socodka maraakiibta marta nawaaxigaas, oo xilliyada qaar inta doonyo qaataan ayba soo afduuban jireen, mararka qaarna dhibaateyn jireen, taas waxa ay keentay meeshaba loogu magac darro (Aragoo orod) magac bixintaasna ay noqoto mid caalami ah oo qabsata hadalheynta adduunyada iskugu safarta badweynta Hindiya.

Dowladda Ingriiiska ayaa la xiriirtay Boqor Cismaan Max’uud kii u talin jiray boqortooyadii Majeerteeniya, si ay ugala hadalsho dhibaatooyinka burcad badeedda Soomaalida, taariikh lagu muransan yahay waxa ay sheegtaa in Ingiriisku bixiyay lacago la siinayo ciidan boqortooyada ay u xilsaarto ilaallinta dhul xeebeedkaas.

Si taas lamid ah Cadan waxaa ku kulmay mas’uuliyiin ka socday Waaxda difaaca badaha Faransiiska iyo boqorkii Saldanadda Hobyo Boqor Yuusuf Cali Keynaddiid, waxaa la iskala hadlay suurta galnimada sidii looga wada qeyb qaadan lahaa ammaanka iyo habsami u socodka maraakiibta iskaga kala goosha marin biyoodkaas.

Markaan isku soo duubno magaca Guardui ee micno ahaan u dhigmaya (Eeg oo Orod) waxa uu ku yimid khatarro aagga ka jiray, haddii ay ahaan lahayd sameysan ka Raas Beenaadka Shannaqiif iyo haddii ay ahaan lahayd khataraha ammaan ee ka imaanayay dadka kaluumeysatada iyo deeganka ku ah deegaannada aaggaas ku yaallay.

Sida taariikhdii hore sheegto Greek gii hore waxa ay dhulkan u yaqaaneen magaca Aromata promontorium, kaas oo micno iyo taariikh gun ah leh, waxaa intaas dheer in isku jirka Masaaridii hore iyo Geriiggii hore ay ku naaneysi jireen dhulka Gees Gardafuul magaca Libaaxa Hurdda (Sleeping Lion), maaddaama dhul ahaan marka meel dheer laga soo eegayo uu u eg yahay sida Libaax hurdda.


Juqraafi Ahaan!


Juqraafi ahaan gobolka halka uu ku yaallo waan isla fahannay, oo waxa aan ka hadalnay in uu ku yaallo geeska Afrika meelsha ugu geessan, uuna u dhaxeeyo badweynta Hindiya iyo badda Cas, ha yeeshee Soomaaliya halkee buu kaga yaal?

Soomaaliyadii 1991-kii ka horreysay Gardafui waxa ay ka tirsaneyd gobolka Bari ee dhulweynihii Soomaaliya, ha yeeshee teer iyo markii la qaatay nidaamka federalka, dalkuna yeeshay degmooyin iyo gobollo badan, Guardafui waxaa laga dhigay gobol ka tirsan gobollada Puntland.
April 8, 2013, Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan faroole ayaa u magacaabay Guardafui, gobol kamid ah gobollada Puntland, waxa ay ka kooban tahay Baargaal, Bareeda, Caluula, Muranyo iyo Gumbax; Caluula ayaa caasimad looga dhigay, taas oo ah mid kamid ah degmooyinka ugu qaddiimsan Soomaaliya.
Daneeyayaashii Ku Loollamayay!

Guardafui oo ah raas badeed, 244M ka sarreeya badda ayaa isku xira adduunyadaas kale, mid kasta oo kamid ah daneeyayaasha dhulka Soomaalida ayaa xiiseynayay in uu gacanta ku dhigo dhulka fiiqa ah ee berriga iyo badda isku xira, ha yeeshee waxaa la isku heystay marka hore cidda mulkiyad ahaan u leh.
Faransiiska

Maaddaama uu heystay dhulka Jabbuuti, islamarkaana saami ahaan u helay intii lagu gudajiray qeybsigii Berlin, Faransiiska waxa uu u boholyoobayay in uu isku dhiririyo dhul xeebaadka illaa Caluula taga, dhowr jeer ayuu Faransiiska kala hadlay saldanadihii ka talinayay Bariga Soomaaliya, sidii loo yagleelli lahaa isbaheysi iyo saaxibtinnimo labada dhinac ah, taas oo gayeysiin kartay xukuumadda Paris in ay ku fadhiisato dhul xeebeedka 1000km ah ee u dhaxeeya Guardfui iyo Jabbuuti.
Iyada oo damacaas leh, haddana diyaar uma ahayn in ay iska hor imaadaan saaxibbadood Ingiriiska oo Soqadra joogay, sheeganayayna dhulkan, iyo Taliyaaniga oo nidaam ahaan ay hoos imaaneysay Raas Caseyr; haddana Faransa shirinta iyo la kulmidda odayaasha deegaanka ma deyn, taariikhdu waxa ay sheegtaa in Aden iyo Paris ba ku shirriyay odayaal ka kala socday Saldanadihii iyo qabaa’ilkii degnaa aagga xeebta bari ee Soomaaliya, si uu ula xirto.
Kulamadaas waxaa ugu caansan kii dhex maray saraakiishii ka socotay waaxda difaaca Faransiiska iyo Sulddaankii Hobyo boqor Yuusuf Cali Keynaddiid, kulankan waxa uu ahaa mid Faransiisku ku doonayay in uu ku muujiyo daneyntiisa ku aaddan xeebaha Soomaaliya, waa markii ugu horreysay ee la isla soo hadal qaado in laga dhiso dhul Soomaaliyeed Light-house.

Faransiiska xilligan waxa uu galay khalad siyaasi ah, waayo, saameynta uu Yuusuf Cali Keynaddiid ku lahaan karo qaddiyadda bariga iyo gobolka geeska aad ayeey uga yareyd marka loo eego haddii uu la furi lahaa salddanaddii ka jirtay aaggaas ee boqor Cismaan Max’ud oo deegaanku hoos imaanayay.
Ugu dambeyn shirkooda, daneyntii Faransiiska uma baddalin ficil, ha yeeshee waxa la isla gartay in ay muhiim tahay in la dhiso Light-House, (ciddii doonto ha dhisto e,) si looga fekero ammaanka iyo badqabta shixnadda halkaas ku safarta.

Ingiriiska & Taliyaaniga

Boqortooyadii aysan qorraxda ka dhicin ee Britian waxa ay hormuud u ahayd qeybsashada dhulka dihan ee Soomaalida, inkastoo damaceedii hore uusan dhaafsiisaneyn in ay Soomaaliya usoo doonato xoolaha nool ee ay isticmaalayeen ciidankeedii Cadan kusugnaa, haddana wakhti dambe ayuu isku baddalay damacaas mid siyaasi ah, kaddib markii ay soo bateen daneeyayaashii gobolka.

Aan keliya abbaarno taariikhda fog ee Britian iyo raaska Guardfui, Ingiriiskii joogay Raaska Maroodiga (Cape Elephant) oo wax yar u jirta Raas Caseyr waxa ay dhowr jeer oo horey isku dayeen in ay qaataan oo la wareegaan, Yemanna ku daraan, (sidii ay yeeleen Soqadra) ha yeeshee uma aysan suurta gelin, sababo badan aawadood. Markii uu ku fashilmay isku daygaas, Ingiriisku wuxuu ka shaqeeyay sidii marinkaas uu nabad u ahaan lahaa, loona baabbi’in lahaa wax kasta oo carqalad ku noqon karay maraakiibtiisa marinkaas iskaga kala gooshi jirtay.
Isqabqabsi ayaa ka dhashay oo u dhaxeeyay Ingiriiska iyo Taliyaaniga, ha yeeshee waxaa looga heshiiyay shirweyne arrimaha gobolka gaar ahaan deegaanka Raas Caseyr looga hadlayay oo Roma ka dhacay 8 May 1894-kii. Wufuud ka socotay boqortooyadii UK ayaa la kulmay ra’iisul wasaarihii xilligaas ee dalka Taliyaaniga Franseco Crispi, waxaa maalinkaas lagu heshiiyay in Ingiriisku faraha ka qaado arrimaha quseeya deegaankaas, maaddaama uu qeyb ka yahay deegaannada uu saamiga u helay Taliyaanigii qeybsaday Koonfurta iyo Bariga Soomaaliya.
Waxyaabihii maalinkaas Taliyaanigu soo jeediyay waxaa qeyb ka ahaa in aagga Caluula illaa Raas Caseyr laga dhiso deked iyo Lighthouse; Ingiriiska oo ka feejigan in aagga gobolkaas laga dhiso deked la tartami karta tan Cadan ayaa qodobka koobaad si xooggan u diiday, waxaa se uu ku raacay in la dhiso Lighthouse ama minaarradda Ifta, taas oo caawineysa maraakiibta guud ee iskaga kala gooshta gobolka.

Taliyaaniga wuxuu doonayay in lala qeybsado kharashka ku baxayo dhismaha minaaradda Cas, ama la canshuuro gaadiidka maraya badda, markii hore Ingiriiska muhiimad badan uma lahayn in Taliyaaniga uu wax ku darsado maaddama uu damaciisii helidda Guardfui ku hungoobay.

8 sano ayeey ku qaadatay in Ingiriisku fahmo ahmiyadda dhismaha Minaaradda Guardfui, James Swin, oo ka tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska (House of Common ka) ayaa hor dhigay barlamaank 14 March 1902 soo jeedin ahayd in loo baahan yahay in Light House laga dhiso Gardafui, waxaana xilligaas uu ay ku beegneyd mar uu aaggaas ku jabay Markab ay Ingiriisku lahaayeen oo shixnad siday; warka dhiilla ah ee Mr Swin hordhigay Baarlamaanka wuxuu baddalay halkii ay Ingriisku ka taagnaayeen qaddiyadda dhisidda minaaraddaas.

March 1904, Laba sanno kaddib markii Barlamaanka UK la hordhigay arrinta, Taliyaaniga ayaa u diray aagga badda cas iyo badweynta India markabkii Sveta, ee uu hoggaaminayay Patrick Albertini, ujeedka safarkooda waxaa uu ahaa sahminta iyo naqshadeynta minaarado laga kala dhiso deegaannada Caluula iyo Cape Guardfui ee Bariga Soomaaliya.



Dhowr iyo 20 sano ayeey qaadatay in dhab loo baddalo xogtii ay qaadeen dhulmareennadii iyo Injineerradii la socday markabkii Sveta, waxaana middaas sabab u ahayd isbadbaddalka nidaam ee ku dhacayay Taliyaaniga iyo si guud dagaalkii koobaad ee dunida.

Baahiyihii sahmiyayaasha ay soo gudbiyeen waxaa ku jirtay in nawaaxigaas looga baahan yahay Raadiyoow lagula hadlo maraakiibta, muhiimna ay tahay mar haddii aagga laga dhisayo minaarad; wixii nidaam isbaddalo, dagaal la galo, wakhti badan uu lumo, Taliyaaniga ayaa isku sannad fuliyay dhismayaasha minaaradaha Caluula iyo tan Raas Caseyr, waxaana qorshahaas guuleystay fuliyay oo masuul uga ahaa Taliyaaniga, wakiilkiisii xilligaas ee u qaabbilsanaa gebi ahaan dhulkii la isku oran jiray Itaaliyan Soomaaliland mudane Mario Diveki.

15 February 1924-kii, ayaa la dhammeystiray Minaaradda Caluula, halka tan Raas Caseyrna la dhammeystiray 5-tii April 1924-kii, waxaa se la tijaabiyay oo markii ugu horreysay la daaray nalka minaaradda Raas Caseyr 19-20 March 1924, xilligaas waxaa lagu tijaabiyay Markabkii la oran jiray Markiaro oo iskaga kala gooshay Xaafuun iyo Raas Caseyr, tijaabada keliya ma ahayn waxa lagu sameynayay Nalka, ee sidoo kale waxaa la tijaabiyay Raaddiyowga weyn ee maraakiibta lagula hadlayay.

Waxa ay ahayd shaqadii ugu weyneyd ee Taliyaanigu ka qabto Koonfurta Soomaaliya, maaddaama marinkaas uu muhiim ahaa, loogana reysanayay burburka ku imaan jiray maraakiibta halkaas mari jirtay.

Markii si rasmi ah loo furay minaaradda, labadii Markab ee ugu horreysay ee sida isdhaafka ah u martay marin biyoodka Guardfui waxa ay kala ahaayeen Emillia iyo Maddaloni, labadan Markab waxaa naaquud ka kala ahaa Enrique Dela Alberts iyo Nino Perisio, kuwaas oo Taliyaaniga u wada dhashay; labadan Markab waxa ay u heleen abaal gud in lagu qoro magacyadooda saqaf maar ahaa oo dhinaca kaga dhagnaa minaaradda, saqafyadan waxaa lagu sameyay Napoli, waxaana lagu dhajiyay minaaradda taariikhdu markii ay ahayd 29 October 1924-kii.


Waxaa ay Taliyaaniga dhexdooda isku khilaafeen magaca loo bixinayo minaaradda, laba garab ayeey ugu kala jabeen qaddiyaddan, kuwa taageersan in lagu sharfo R/W hore ee dalkaas Franseco Crispi kaas oo Ingiriiska ku qanciyay in ay ka samraan Guardfui, islamarkaana mar soo jeediyay in la dhiso Minaaraddan, iyo kuwa taageersanaa nidaamkii Fashistaha Taliyaaniga oo qabay in taalada loogu magac darro ra’iisul wasaarihii xilligaas Taliyaaniga Benito Mussollini, waxaa loo batay in loogu magac darro Minaaradda Franseco Crispi, taasaana la qaatay, ha yeeshee mintidiintii Fashitaha taageersaneyd si iskooda ayeey ugu magac darreen taallada Faaraha Mussollini (Faro Del Mussollini)

30 kii May 1930-kii ayaa markale la naqshadeeyay minaaradda, waxaana loo qaabeeyay heykalka ay maanta tahay oo kale, wixii markaas ka dambeeyay marinka wuxuu noqday mid aad u mashquul badan, magaalada Guardfui na waxa ay noqotay meel dalxiis.

David Le Breton oo ahaa askari iyo qoraa Ingiriis ah ayaa qeyb kamid ah buuggiisa uga sheekeyay safarkiisii Guardfui, qoraaga waxa uu aad ugu celceliyay ashqaraarka iyo abuurka bilicda leh iyo muuqaalka guud ee deegaanka, waxa uu sidoo kale sifeeyay dalxiisayaasha iyo sida loosoo dhaweeyo.

Alfredo Polidari ayaa u qaabbilsanaa Taliyaaniga Raas Caseyr, xilliga uu David booqanayo, David oo Caluula kusoo dagay ayaa dhowr maalin u socday xeelliga Raas Caseyr, isaga oo wata Rati Geel ah oo uu horey usoo kirreystay; waxa uu Polidari uga sheekeeyay David dalxiisayaasha imaada iyo sida ay u xiiseeyaan halkan, “Sannadkii hore waxaa inoo yimid dhowr qofood, ha yeeshee waxaa jiray laba qofood oo isla socday, midi Baadari (wadaad Masiixi yahay) labadaas qof dalxiis ayeey ugu yimaaddeen halkan, ha yeeshee markii ay dhowr maalin joogeen ayuu wadno xanuun kusoo booday baadarigii, waana uu u dhintay! Halkan minaaradda agteeda ayaan ku aasnay” ayuu Polidari u sheegay David Le Breton oo ahaa qoraaga buugga I Remember It Well oo ah sheekooyin la aruurriyay oo ku saabsan waaya aragnimadiisii 50-ka sano ee uu askariga ahaa iyo wixii uu soo arkay.

Sheekaba sheekey keentaaye, xabaalsha Baadariga Masiixiga ayaan kusoo xasuustay e, waxaa jira xabaallo 300 gaaraya oo ku yaalla inta u dhaxeysa Caluula iyo Raas Caseyr, kuwaas oo lagu magacaabo Xabaallo Anbiyaad si dhab ah looma hubo cidda ku duugan iyo waxa ay ahaayeen, ha yeeshee waa xabaallo khaddiimi ah, oo ku yaalla aaggaas, loona badinayo in ay ku duugan yihiin dad hore oo wanaagsanaa, se hubaalsha iyo xaqiiqada rabbi baa yaqaanna.

Deegaanka Raas Caseyr ama Guardfui waa meel aad u istaraatiiji ah sida aan soo sheegnay, waxa uu 6191KM u jiraa raaska Rejada ama Cape of Good hope oo South Africa ku yaalla ayna marto Badweynta atlatic Ocean ka; Suez Cannel iyo Garduuf waxaa u dhaxeysa masaafo lagu qiyaaso 2840KM; Jabbuuti na waxa ay u jirtaa 1000 KM, halka Cadan na intaas qaddar ka yar ay u jirto.



                                                                 Tixraacyo


Buugga: I Remember It Well

https://www.britishempire.co.uk/article/capeguardafui.htm


https://www.britishempire.co.uk/article/journeyingtocapeguardafui.htm

https://www.youtube.com/watch?v=uagUMnV91AU

Buugga Cape Guardafui. Ras Asir. Somalia - 1885

https://www.nature.com/articles/045036b0

https://www.youtube.com/watch?v=69IDEVu-yzw


 Cabdiwahaab Axmed Cali

      29-August 2019
Developed by Jago Desain