QM oo soo dhaweysay dhismaha istaratijiyada qaran ee la dagaalanka musuqa


Golaha wasiirada dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyey Istaratijiyadda Qaran ee la dagaalanka Musuqa, taasi oo looga tala galay in lagula dagaalamo musuq-maasuqa, laguna awood siiyo hay’adaha dawladda, si loo dhiso hab maamul maaliyadeed oo dawli oo cad lehna isla xisaabtan.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaliya,James Swan ayaa sheegay in ay tahay talaab muhiim ah, ayna ku dhiira-gelinayaan in dawladda iyo dawladaha xubnaha ka ah ay qaadaan talaabooyin dheeri ah oo ay ku xaqiijinayaan dhaqan gelinta hufnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqa.

“Waxaan soo dhaweynayna ka go’naashaha dawladda Soomaaliya ee la dagaalanka musuqa, ayna ku dhisayso hay’ado dawli oo la aamini karo”, James Swan ayaa sidaa yir.

Waxa uu intaas ku daray in Qaramada Midoobe ay ku taageerayso dawladda Soomaaliya hir-gelinta Istaratijiyada Qaran ee ka dhan ka ah Musuq-maasuqa.


Developed by Jago Desain