Messi Oo Qaatay Go`aan Adag Lana Xariira Mustaqbalkiisa Barcelona , kooxdee ayuu

Messi Oo Qaatay Go`aan Adag Lana Xariira Mustaqbalkiisa Barcelona

Idaacadda Cadena SER ayaa shaaca ka qaaday in Messi uu qaatay go`aan adag oo ku adan mustaqbalkiisa kooxda Barcelona

Waxa ay idacaadaas sheegeysaa in ay heshay xog muujineysa in Messi uu mamaulka kooxda ku war gilinayo in uu baxayo marka hishiiskiisa uu u dhamaado xagaaga 2021-ka

Xilli Barcelona horay u sheegtay in wadahadallada hishiis kordhinta ay marayaan meel wacan ayaa haatan waxaa soo baxeysa in Messi uu ku war giliyay saaxbadiisa kooxda in uu doonayo in uu baxo .

Messi ayaa la xusayaa in uu ka caresyan yahay in mar waliba lagu eedeeyo in uu mas`uul ka yahay go`aanada kooxda ee ku aadan hishiisyada iyo waliba qilaafaadka qolka dhar badalka kooxda.

Sidoo kale Cadena SER ayaa sheegeysa in Messi uu ka careysan yahay mashaariicda kooxda ee guuleysan sidaa darteed uu go`aansaday uusan qeyb ka ahaan dhibaatada kooxda
Developed by Jago Desain