Xog ku saabsan kulankii dhex-maray madaxda DF iyo madax goboleedyada + Sawirro


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu wehliyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Dhuusamareeb ku yeeshay kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan.

Wararka aan ka helayo kulanka ayaa sheegaya inay u badan tahay in kulanka weyn ee looga hadlayo xilliga kala guurka uu dhici doono maalinta berri oo Talaado ah.

Sidoo kale warar kale oo la isla dhex marayo, oo aan weli xaqiijin ayaa sheegaya in kulanka weyn ee berri dhici doona uu yahay mid hal maalin ah oo khudbado ay ka jeedinayaan madaxda, kadibna Guddi Farsamo oo heer Wasiiro Federaal iyo Dowlad Goboleed loo saari doono wada xaajoodyada, kaddibna la soo go’aamin doono kulan kale oo la isu imaan doonaan oo aan caddeyn halka uu ka dhici doono.

Guddiga heer wasiir ee la filayo in la sameeyo ayaa la sheegay inay kasoo talo bixin doonaan hab doorasho oo dhinacyada ay isku raaci karaan oo dalka laga qbato.

Kulanka maanta, ayaa ka dambeeyay kulamo gaar gaar ahaa oo xalay illaa shalay ay yeelanayeen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana kulankaas uu yahay mid Albaabada u xiran yihiin.
Developed by Jago Desain