Dhibaatada mobilku uu leeyahay Ardeyga Qore : Abdirahmaan yuusuf mohmoud nahar

Dhibaatada mobilku uu leeyahay Ardeyga Qore : Abdirahmaan yuusuf mohmoud nahar

Sida la wada ogyahay tiknaloojiyada casriga ah waxa ay faa’iido wayn u leedahay aadamaha, laakiin haddana dhanka kale waxa ay tiknaloojiyadu wadataa dhibaatooyin badan ha noqoto mid caafimaad ama mid bulsho, sida ay sheegtey khuburo badan oo ka hadla dhibatada mobilka




Khubaro dhanka tiknalojiyada ah ayaa caddeeyay in tiknaloojiyada casriga ah sida computerka, mobilka iyo aaladaha kale ay halis ku yihiin caafimaadka indhaha, haddii aan laga taxadarin isticmaalka aaladahaas.


Umabaahnid Saaxiibo marka Telefoonkaaga gacanta aad ka isticmaaleyso Internet-ka .


  • Qofka Isticmaalaya Internet-ka dhagihiisa ma maqlaan wax aan aheyn fariinta soo dhaceysa iyo qofka uu kula sheekeysanayo telefonkiisa gacanta, waxaa dhacda in inta badan qofka uu sugi waayo jawaabaha fariimaha uu diray 
  • Labada qof xitaa ma helayaan fursad ay kuwada sheekeystaan qof walba waxaa uu ku mashquulayaa telefoonkiisa isga oo si gaara ula sheekeysanayo qof ka fog oo uu xiiseynayo oo laga yaabo in ay kala joogaan labo dalk oo kala fog.

  • Waqtiyada ugu badan oo dhallinyarada ay isticmaalaan Internet-ka ayaa ah habeenkii in kastoo aysan maalinkii ka marneyn waxayna arrintaasi keentaa sida ay dhaqaatiirtu ay sheegayaan xanuun dhanka Indhaha ah maadaama aysan jirin wax difaac u ah Indhaha.

  • Waxyalaha uu u keeno ardeyga taleeonka waxaa ka mida inuu ka dhigo qof aan awoodin in uu wato tayadiisa waxbasho, sababo la xiriira habsan ku yimaada habeenkii oo uu xilli danbe uu dhafro ardeygi .
  • mobilku waxa uu ardeyga u keenaa in uu ardeygu uu fasalka dhaxdiisa ku isticmaalo, taas oo sababi karta inuusan la socon xiisadihiisa maalinlaha ah

Waxaa Soo Diyaariyay 
Abdirahmaan yuusuf mohmoud nahar
Baargaal



Developed by Jago Desain