Dowladda Soomaaliya oo dhowaan billaabeysa waxbarashada dadka waaweyn

Dowladda Soomaaliya oo dhowaan billaabeysa waxbarashada dadka waaweyn



Dowladda Soomaaliya ayaa dib u billaabeysa waxbarashada dugsiga hoose ee dadka waaweyn oo meesha ka baxday soddon sano ka hor markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Axadda maanta ah sheegay in qorshahan uu ka dhaqan-gelayo guud ahaan waddanka,  waxaana Soomaaliya ka taageeraya beesha caalamka.
"Waxaan idin ogeysiinayaa in Manhajka waxbarashada dadka waaweyn aan guud ahaan ka hir-gerlin doonno guud ahaan dalka " ayuu wasiir Goodax u sheegay Warbaahinta.

"Waxaan sidoo kale wadnaa qorshaha baahinta waxbarashada hoose ee dadka waaweyn" ayuu hadalkiisa ku daray
Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxa uu qeexay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii loo ballaarin lahaa fursadaha waxbarashada,  si dad badan ay awood ugu yeeshaan in ay wax bartaan.
Developed by Jago Desain