Hay’adda Qaxootiga Aduunka UNHCR oo sheegtay in Boqolaal muhaajiriin ah la soo bad baadiyay.

Hay’adda arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR ayaa sheegtay in boqolaal muhaajiriin laga soo bad baadiyay badda Meditranean-ka. Tahriibayaashaan ayay sheegtay hay’addu, inay yihiin 400 oo ruux, kuwaas oo ku tahriibayay biyaha badda Meditranean-ka .

Hay’adda arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR ayaa sheegtay in boqolaal muhaajiriin laga soo bad baadiyay badda Meditranean-ka.


Tahriibayaashaan ayay sheegtay hay’addu, inay yihiin 400 oo ruux, kuwaas oo ku tahriibayay biyaha badda Meditranean-ka .

Bad baadinta muhaajiriinta ayaa waxay ku sheegtay Hay’adda arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR inay ahayd tallaabo fiican oo la qaaday.

Dhanka kale lama shaacin dalalka ay u dhasheen muhaajiriintan la bad badbaadiyay, balse waxaa la sheegay in dawlada Ingiriiska ay gacan weyn ka gaysatay, soo bad baadintooda, iyadoo Bishan aynu ku gudo jirno waxaa la sheegay inay sii kordhayaan tirada dadka muhaajiriinta ah, ee doonaya inay ka gudbaan badda Meditranean-ka, si ay u gaaraan Qaaradda Yurub
Developed by Jago Desain