Madaxweynaha Puntland oo beesha caalamka ka dalbaday gaadiid aan aheyn kan DF Soomaaliya inta uu joogo Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland oo beesha caalamka ka dalbaday gaadiid aan aheyn kan DF Soomaaliya inta uu joogo Muqdisho.

Warar laga helayo ilo xogogaal ah oo katirsan dawladda Faderaalka Soomaaliya & Puntland ayaa labada dhinacba ay qireen in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo berri tagaya MUqdisho uu dalbaday in lasiiyo gadiid an aheyn kan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa dalabkan u gudbiyey Beesha Caalamka, waxaana uu sheegay in uusan isku haleyn Karin gaadiidka aan xabadu Karin ee dawladda Faderalka Soomaaliya, mana jirto wali jawaab laga bixiyey codsigiisa.


Ilaalada gaarka ah ee Siciid Deni oo ay wehliyan qaar kamid ah xubnaha hab-maamuuska Madaxtooyadiisa ayaa gaaray Muqdisho, si ay u xaqiijiyaan Amniga xarunat ladajinayo oo kutaala agagaarka Guriga Maama Khadiijo, oo kamid ah xarumaha sida weyn ammaankooda loo ilaaliyo.


Wararka ayaa sheegaya in codsiga Siciid Deni aysan wali jawaab ka bixin wakiilada caalamiga ah, waxaana dad badan ay rumeysan yihiin in ay tani sumcad dil kunoqonayso madaxda Soomaalida, maadaama gaadiid la dalbadaa uu ka dhigan yahay aaminaad darro baahsan.

Wada hadalada Madaxweynaha dawladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jubbaland & Madaxweynaha Puntland ayaa ku qabsoomaya Aqalka Madaxtooyada ee Muqdisho, waxaana diiradda lagu sarayaa arrimaha la xariira geedi-socodka doorashooyinka.

Kulamadan, waxay kusoo beegmeen xili Golaha Ammaanka ee QM qoraal ay soo saareen ay ku cadeeyeen in ay lagama maarmaan tahay qabashada doorashada xiligeeda, ayna noqoto mid ay codeeyaan dad ka badan codeytii 2016-kii, loona bahan yahay in ay dawlad gobaleedyadu ogolaadaan shaqada guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.
Developed by Jago Desain