Default Image

Months format

Show More Text

Load More

Related Posts Widget

Article Navigation

Contact Us Form

Close
  • Home
  • Menu
  • _Short Codes
  • _About us
  • Sitemap
  • Contact us

BAARGAAL.NET

News & Information From Somalia

  • Home
  • News In English
  • featured
  • Video
  • Technology
  • Sports
  • Food
  • Menu
  • _Sitemap
  • _Contact Us

Maxaa ka jira in Markab lagu qafaashay Xeebaha Puntland?

burcad Badeed   
Admin
August 20, 2020


Wararka laga helayo Degmada Bareeda, oo ka tirsan Gobolka Gardafuu ee Puntland, ayaa sheegaya in halkaasi saaka lagu qabtay Markab Xamuul ah oo shidaal u siday Magaalada Muqdisho, kadib markii laga shakiyay Markabka oo saacado ku wareegayay Xeebta.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland ee ku sugan Degmada Bareeda, oo watay doonyo yaryar ,ayaa lagu soo warramayaa in ay is weer ka qabteen Markabka, oo cillad soo wajahday, kadib markii ay uga shakiyeen in uu Sun ku daadinayo Xeebta.

Sidoo kale, Markabka oo doonyaha yaryar ee Ciidamada uga shakiyay Burcad-badeed, ayaa diray digniin la xiriirta in uu khatar ku suganyahay sida lagu soo warramay.
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Gardafuu ee Puntland, G/sare Shire Cabdi Ismaaciil, oo warbaahinta  uga warramay dhacdadaas, ayaa sheegay in Markabka Ciidamadu qabteen markii dambe la aqoonsaday, islamarkaana haatan la fasaxayo.
G/sare Shire Cabdi Ismaaciil, ayaa sheegay in Ciidamadu ay Ilaaladii Markabka ka qaadeen saddex qori oo nooca Shaam-shuutarka ah, kadibna sarkaal ka tirsan Booliiska uu la goostay Qoryihii, welina la raadinayo.

Wuxuu intaas ku daray, in Markabku hadda u xayiranyahay Qoryaha lagala goostay, haddii la helo Qoryihiina uu toos u ambabixi doono.
burcad Badeed
Admin

burcad Badeed

Slider Image 02

Slider Image 02

Contact Form

Name

Email *

Message *

All Rights Reserved by BaargaalNet © 2023
Baargaal.Net is designed to provide reliable up to date news reports, studies and analysis on current issues and problems of concern to the local People encompassing political, social and cultural fields