Garowe oo laga daahfuray u qareemidda qoondada haweenka ee siyaasadda

Garowe oo laga daahfuray u qareemidda qoondada haweenka ee siyaasadda



Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimah Qoyska Dowlad goboleedka Puntland ayaa Garowe ku qabatay kulan lagu daahfurayay u qareemidda qoondada haweenka ee siyaasadda.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa oo lagu casumay wasiiro ka tirsan Puntland, Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, Gudoomiyaha Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland, ururada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimah Qoyska Puntland Aamino Cismaan Xaaji oo ugu horeyn kulanka daahfurtay ayaa ka warbixisay caqabadaha haweenka ka hortaagan kamid noqoshada goleyaasha sare ee dowladda, waxayna xustay in matalaada haweenka ay aad u hoosayso marka la eego hay’adaha dowloliga ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqradiyeynta Puntland Cabdiwali Mire Xirsi oo kulan ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in wasaaradiisu diyaar u tahay inay haweenka kala shaqeyso sidii ay u heli lahayeen doorkooda matalaada siyaasadda.

Dhanka kale Gudoomiyaha Guddigga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa kulanka ka sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan diiwaangalinta codbixiyaasha ka qaybqaadanaya doorashooyinka golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, wuxuuna haweenka ku dhiirigaliyay inay noqdaan kuwa ugu badan ee isdiiwaangaliya, si ay u helaan qoondadooda siyaasadda.
Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland Siciid Cabdi Muumin oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in puntland uu waajib ka saaran yahay damaanad qaadka ilaalinta xuquuqda haweenka, sida uu qabo qodobka 35-aad ee Dastuurka Puntland.

 

BAARGAAL.NET

news and information from somalia Updated frequantly

 








Developed by Jago Desain