AXMED CIISE CAWAD OO XILKII LAGA QAADAY



Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaweyd xilkii ka qaaday Wasiirkii Arimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya u magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamed oo la-taliye u ahaa madaxweyne Farmaajo, sidoo kale ka mid ahaa musharaxiintii xilka madaxweynaha ee doorashadii 2017.

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad u magacaabay safiir aan weli la ogayn dalka uu u fadhin doono Soomaaliya.

Xilka qaadista Wasiir Cawad ayaa ku soo aadaysa, iyadoo shalay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ay barteeda Twitter-ka ka saartay 
war ku saabsan colaadda ka aloosan gudaha Itoobiya, kaas oo ay ku caddaysay mowqifkeeda xiisadda Itoobiya.

Qoraalkaas ayaa Xukuumadda Soomaaliya taageero ugu muujisay midnimada dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana ay ku baaqday in wada-hadal lagu dhammeeyo colaadda ka taagan gobolka Tigreega.

Ha yeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa qoraal
uu goor dambe soo saaray ku sheegay, in uusan jirin war rasmiya oo dowladda Soomaaliya uga hadashay colaadda Itoobiya.

Wasiir Cawad, ayaa sheegay in qoraalka ku saabsan xiisadda Itoobiya uusan ahayn mid ka turjumaya mowqifka dowladda Soomaaliya, sidaas darteedna uusan sax ahayn.

0/Post a Comment/Comments

{ads}

About Us

Baargaal.net is a free Somali Web Portal, designed to provide reliable up to date news reports, studies and analysis on current issues and problems of concern to the local People encompassing political, social and cultural fields.