Khasaare culus oo ka dhashay dabaylaha ku dhuftay Xaafuun

Khasaare culus oo ka dhashay dabaylaha ku dhuftay Xaafuun

 


Ugu yaraan shan ruux, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, lix kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii Roob dabayl xooggan wata uu shalay iyo xalay ka da’ay magaalada Xaafuun ee Gobolka Karkaar.

Shanta qof ee geeriyooday, oo u dhashay waddanka Yemen, waxa la sheegay in ay kalluumeysi u yimaadeen degaanka, balse dabayshu ku qabsatay gudaha badda, islamarkaana doonyihii ay wateen ay halkaas ku burburisay.

Dhaawaca lixda ruux, oo uu ku jiro Guddoomiyaha degmada Xaafuun, Maxamuud Yuusuf Garow, waxa iyana sababay guryo dumay iyo kuwa kale oo saqafyadu ka duuleen, iyadoo dabayl xooggan garaacday.

Xaafadaha degmada Xaafuun ayaa laga baxay, kadib markii ay guryo badan dumeen, waxaana dadka shacabka ah hoy la’aan ku yihiin bannaanka magaalada, xilli weli uu da’ayo Roobka oo wata qabow daran.

Sidoo kale, waxa burburay Anteenada Isgaarsiinta magaalada, waxaana go’an wicitaanka Taleefonnada iyo Khadka Internet-ka.


BAARGAAL.NET

baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain