Deni iyo Qoor-Qoor oo ku kulmaya Gaalkacyo iyo wararkii ugu dambeeyay



Madaxweynaha dawlad goboleedka  Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in saacadaha nagu soo aadan ay ka amba-baxaan magaalada Garoowe, kuwaasi oo socdaal ku tagi doona magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Deni iyo xubnaha ku wehlinaya safarkiisa oo u badan golihiisa wasiiradiisa ayaa waxay kulamo kala duwan Gaalkacyo kula qaadan doonaan madaxda Galmudug, gaar ahaan madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadli doona xaaladaha kasoo cusboonaanaya gobolka Mudug iyo khilaafka sii xoogeystay ee doorashooyinka oo uu madaxweyne Deni meel adag iska taagay, kadib markii ka biyo diiday guddiga doorashada ee lagu muransan-yahay.

Sidoo kale waxay mas’uuliyiinta labada maamul diirada saari doonaan xaalada amni xumo ee kasoo korartay gobolka Mudug, taasi oo falal argagax leh ka geystaan dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Safarkan ayaa imanaya xili uu dhawaan qarax xoogan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasi oo ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiin, saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobtaas oo ay ka socotay munaasibad lagu soo dhaweynayay ra’iisal wasaaraha dalka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hore ugu fashilmay waan-wan uu ka dhex waday madaxda maamulada dalka iyo kuwa dowladda federaalka, si meesha looga saaro xiisada ka dhalatay guddiga doorashooyinka, lamana oga in kulanka uu wax ka bedeli doono qorsheyaashii hore u fashilmay.
Developed by Jago Desain