kulan lagu ansixinayey sharciga baarista iyo ilaalinta Hilibka Qaranka oo la soo xiray “SAWIRRO”



Kulan Ujeedkiisu ahaa katashiga iyo ka doodidda qodobada ku darista ama ka badalka u baahan si loo ansixiyo sharciga baarista iyo ilaalinta Hilibka Qaranka oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo kaashaneysa FAO, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiinta Wasaaradda, xubno ka socday maamul goboleedyada, qubaro iyo dhaqaatiir ku xeel dheer Caafimaadka xoolaha iyo sharciyada Hilibka.

Shirka oo ay ka hadleen xubno ka socday maamul goboleedyada ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen wuxuuna tilmaamay ahmiyadda uu leeyahay sharciga baarista iyo ilaalinta Hilibka Qaranka.

Sharcigan muhiimka ah ee baarista iyo ilaalinta Hilibka Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa dhawaan loo gudbin doonaa Golaha Wasiirada si ay u meel mariyaan, waxaana kadib la horgeyn doonaa Xildhibaanada, iyadoo ugu dambeyna uu saxiixi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.





Developed by Jago Desain