Muhaajiriin Soomaali iyo Ajaanib ah Oo Laga Soobad-baadiyay Xeebaha Giriiga



Muhaajiraan ay Soomaali ku jirto aya lasoo bad-baadiyay kadib markii ay kasoo safreen dalka Turkiga kuwaas oo doonayay in tahariib ugu gudbaan wadanka Gariiga, booliiska dekadda jaziiradda Losvos ee ku taal badda Aegean ayaa soo bad-baadiyay 27 qof oo muhaajiriin ahaay iyadoo doontii ay lasocdeen gabi ahaanba lajoojiyay.

Qof ka mid ah dadka saarnaa doonta ayaa dhintay kadib markii ay doontii ka timid dhinaca Turkiga ay daadisay koox ka koobneed 27 ruux subaxnimadii hore ee Talaadada maanta.

Qofka dhintay waxaa la sheegay inuu ahaa qof Soomaali ah sababta ka dambeysay geeridiisa ayaa lagu tilmaamay qaboow saaid dartiis inuu u geeriyooday sida warbixinta lagu helay.

Jasiiraddaha Griiga ee bariga Aegean Sea iyo Lesvos, waa mid ka mid ah marinnada laga galo Yurub ee ay adeegsadaan dadka ka soo cararaya dagaallada iyo saboolnimada ku haysata wadamadooda

Muhaajiriinta oo badankood ay ahaayeen Soomaali ayaa kasoo shiraacday xeebaha Turkiga kahor inta aysan tegin xeebaha bariga Lesvos, halkaas oo ay xalay ku hoydeen, sida uu sheegay sarkaal booliska dekedda.

Sida ay wariyeen warbaahinta Gariiga xaalad qabow oo aad u daran ayaa ka jirtay jaziiradda Lesvos, taasoo keentay dhimashada ruux Soomaali ah.

Developed by Jago Desain