QOOR QOOR iyo Guudlaawe oo qaatay go’aan la xiriira muranka doorashada (Xog)

 


Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana degaan doorashadoodu tahay Galmudug iyo HirShabeelle ayaa siyaabo kala gooni gooni ah Caasimada Online ugu sheegay in Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ku heshiiyeen in aysan ka qeyb noqon doorasho aan heshiis lagu heyn.

Labadaan Madaxweyne ayaa sheegay in aysan marna qaban doonin doorasho aan lagu heshiinin islamarkaana ay jirto heshiis u gaar ah oo ay wada-qaateen, sida aan xogta ku helnay

“Annagoo eegeyna danta Hawiye marna ma qaban doono doorasho aan heshiis lagu aheyn waana heshiis adag oo aan isla qaadanay,” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe, sida aan kasoo xiganay xildhibaano uu la hadlay.

Qoor Qoor ayaa dhowaan wareysi uu siiyey BBC-da ku caddeeyey inuusan qaban doorasho aan heshiis lagu wada-aheyn.

“Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho aan laga qeyb galeyn, doorashada waa lagu heshiiyay in laga wada qeyb galaa sax ah, haddii ay jirto tabashooyin waa in la xaliyo, doorasho Puntland iyo Jubbaland ka hareen ama ay ka maqan yihiin sabab ma jirto, mar walba tabashooyinkii jira in la xaliyo oo doorashada waajib tahay in laga qeyb galo” ayuu yiri Qoor Qoor.

Arintaan ayaa la sheegay in ay dib u dhigtay qorshihii Xukuumada ee qabashada doorashada Soomaaliya, taas oo lagu dhawaaqay toddobaadyo ka hor, waxaana hadda rajada kaliya ee qabashada doorashada ay kusoo hartay Cabdicasiis Laftagareeen.

Si kastaba, madaxweynaha Koonfur Galbeed ayey u badan tahay inuusan ku dhiiran qabashada doorasho, haddii uu dareemo inuusan jirin maamul goboleed kale oo qaadaya tallaabo noocaas ah.

Developed by Jago Desain