Maxay kawada hadleen Ergada Soomaaliya ee ICJ iyo madaxda maxkamada?


Ergada Soomaaliya uga qayb galeysa Maxkamadda Caddaaladda Aduunku ee uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kula la qaatay Kaaliyaha Sare ee Maxkamada Caddaaladda Adduunka Mr. Philippe Gautier.

Kulankan ayaa ku saleysnaa  dhammaystirka diyaar garowga soo bandhigdda garanqsiga Soomaaliye ee ku aaddan dacwadda.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixinaya kulankii maanta ay la yeesheen Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isagoo tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda ugu diyaar garoowday soo bandhigidda dacwaddeeda oo socon doonta inta u dhaxaysa 15-24 bishan  Maarso.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku kalsoontahay xaq-ahaanshaha gal dacwadeedkeeda iyo  qareennada sharciyeed ee ku matalaya dacwaddan ay garwadeenka ay ka tahay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.


Developed by Jago Desain