Folkaano Ka Qarxay Bariga Koongo iyo Dadweynaha ah oo Naftooda la Baxsanaya



Dadweynaha magaalada Goma ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa ka qaxay magaalada kaddib markii ay halkaasi folkaano weyn ka qaraxday.

Olol iyo dhagaxa buurta Nyiragongo oo dab isu rogay ayaa ku soo rogmaday magaalada iyada oo uu ay cirka isku shareereen daruuro midab cas ah.

Magaalada Goma ayaa la sheegay in ay ku noolyihiin laba milyan oo qof. Kummaannaan dadweynihii magaaladaasi ku noolaa ayaa ka qaxay iyaga oo ka cabsi qaba in folkaanahani waxyeelleeyo.

Buurta fulkaanuhu ka qarxay waxay magaalada u jirtaa 10km, markii ugu dambaysay ee halkaa fulkaane ka qarxaana waxay ahayd sannadkii 2002 oo waagaa ay ku dhinteen 250 qof 120,000 oo qofna weey ku guryo beeleen.

Dadka qaxaya ayaa lagu soo warramayaa in qaarkood ay ka tallaabeen xadka Koongo ay la wadaagto Rwanda.

Dowladda Koongada Dimoqraadiga ayaa wadda qorshe ay dadka magaalada kaga badbaadinayso waxyeellada folkaanada.

Rwanda ayaa sheegtay in qiyaastii 3000 oo qof ay durba xadka ka soo talaabeen. Dad kale oo magaalada Goma deggan ayaa iyaguna u qaxay dhulka taagga ah ee galbeedka magaalada.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ku saabsan khasaare nafeed oo ay hay’adaha dowladdu sheegeen.

Wararka ayaa sheegaya in in folkaanuhu doc labaad ka faruurmay waxaanu daad dhamac ahi ku rogay dhanka koonfureed ee magaalada gaar ahaan garoonka diyaaradaha korontada ayaa iyana ka go’day meelo badan oo magaalada, wadooyinka waaweyn ee isku xidha magaalada Goma iyo Beni ayuu dabku durba jaray.

Fulkaanihii dadka ugu tirada badani ku dhinteen wuxuu buurtaa ka qarxay sannadkii 1977 waagaas oo ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof.
Developed by Jago Desain