SAWIRO: Gudoomiaha Gobolka Gardafuu oo Maanta ka Daahfuray Imtixaanaadkii Shahaadiga ah Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu


Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Mudane Muuse saalax Guuleed  oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socda Gobolka  Gudoomiyaha Degmada Baargaal Cabbane caynab Muuse , Gudigga waxbarashada Degmada , waalidiin  cuqaal waxgarad  ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22-5-2021 magaalada Baargaal ee Gobolka Gardauu ka daahfuray Imitxaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2020/2021 fasalada 8-aad iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare kaas oo maanta si isku mid ah uga bilowday Deegaanada Puntlad oo idil

Munaasab kooban oo lagu daah furayay imtixaanaadka shahaadada Dugsiyada sare iyo dhexe , ayaa laga Jeediyay khudbado lagu muujinayay ahamiyada waxbarashada ,iyadoo masuuliyiintii ka khudbeeyay ay ardayda kula dardaarmeen iney nidaamka ilaaliyaan wakhtigana dhawraan , una rajeeyey guul iyo horumar.

waxaa maanta Deegaanada kala duwan ee Puntland si isku mid ah uga bilowday Imitxaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2020/2021 fasalada 8-aad iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee Puntland, tirada imtixaanka galaysana lagu sheegay 17,735 oo arday.

Ardayda ka qeyb galaysa imtixaankan ayaa ka kala socda dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee ku yaala deegaanada kala duwan ee Puntland,waxaana goobaha lagu qaadayo imtixaanka shahaadiga ay kor u dhaafayaan 132 goobood oo ku kala yaala magaalooyinka waa weyn iyo degaanada iyo degmooyinka kale ee Puntland.

Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa diyaarisay kormeerayaal iyo macalimiin ka socda iskuulada kuwaas oo ilaalinaya nidaamka ay ardayda Puntland u galayaan imtixaanka.










Developed by Jago Desain