guux ku saabsan abaabulka mooshin ka dhan ah heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso oo ka jira barlamaanka puntland

 




Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u daahfuray kal-fadhiga 48aad ee golaha wakiilada Puntland, halkaasi oo uu ka jeediyey khudbad dhinyo badan taabanaysa una badnayd waxqabadka xukuumaddiisa.

Kulanka daahfurka kal-fadhiga 48aad ee barlamaanka Puntland ayaa waxaa soo xaadiray 56 mudane oo ka tirsan Golaha wakiilada Puntland, waxaa sidoo kale goobjoog ka ah Madaweynaha Puntland Sacdiid Cabdullaahi Deni & kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa sheegay in barlamaanka ay horyaalaan ajandayaal ay kamid yihiin, doorashada xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya deegaan doorashadooduna tahay Puntland, ka doodista xeerarka xukuumaddu ansixisay, la xisaabtanka xukuumadda, dhegaysiga warbixinta guddiyada barlamaanka iyo arrimo kale.

wuxuuna gudoomiyuhu soo hadal qaadin heshiiskii arimihii shacabku dhawraayeen sida  dhismaha dekedda Boosaas ee shirkadda DP World, burburka waddooyinka Puntland iyo qiima beelka lacagta shilling Soomaaliga ee deegaamada Puntland oo guud ahaanba ka maqan ajandayaasha hordhaca ah ee kal-fadhiga barlamaanka.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, ayaa warbaahinta qaar u sheegay in ay u-diyaar-garoobayaan mooshin ka dhan ah heshiiska DP World.

Xildhibaannada ayaa ku doodaya in muddada fulinta heshiiska DP World ee lagu heshiiyay ahayd laba sano oo ka bilaabata maalintii la saxiixay 6 April 2017, balse afar sano kadib aysan waxba ka fulin heshiiskaas, sidaas darteedna ay mooshin ku burinayaan.



Developed by Jago Desain