kaluumaysato soomaaliyeed oo muddo ku xayirnaa Badda oo La soo Badbaadiyay



Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa toddobaadkan soo badbaadiyay afar nin oo Soomaali ah oo maalmo ku xayirnaa badda Geeska Afrika ka dib markii laashkii kalluumeysiga ay wateen cilad farsamo ku timid.

Badmaaxiyiin ka tirsan kooxda sirdoonka amniga iyo ganacsiga ee USNS Patuxent ee Taliska Milatariga Sealift, oo u socda hawlgal saliid buuxin, ayaa ka badbaadiyay raggan Gacanka Cadmeed.

laashkii kalluumeysiga ee aywateen Soomaalida ayaa waxaa uu ka babanayay calanka caalamiga ah ee dhibaatada ka dib markii uu wareegayay 12 maalmood oo ay boyo qaadaayeen ayaa lagu yiri bayaanka.

kaluumaysatadan ayaa maalmo iyo maalmo cunto la’aan ahaa, ciidanka badda ayaa sidaa ku sheegay qoraaladooda sawirada lagu daabacay internetka. Waxaa lasiiyay cunto, biyo iyo baaritaan caafimaad markii ay lasocdeen ciidanka Patuxent-ka.


Waa markii labaad toddobaad gudihiis oo ay ciisdamadani ay soo badbaadiyeen badmaaxiin ku go'doonsan gacanka Cadan. 9-kii Juun, waaxdan ayaa ku orday xawaare aad u sareeya si uu u caawiyaan 15-ka shaqaale ee markabka Falcon, markab xamuul oo ka diiwaan gashan waddanka Afrika ee Gabon oo biyo galaayaan ayagoo ka soo gaaray ka hor inta uusan gebi ahaanba quusin.

Heshiiska Caalamiga ah ee Badbaadada Nolosha Badweynta ee 1974 wuxuu ku waajibinayaa dhammaan badmaaxiinta inay gargaar u fidiyaan kuwa ku dhibaataysan badda,


Afarta kalluumeysato ee Soomaaliyeed ayaa Khamiistii laga soo wareejiyay markabka Patuxent waxaana loo wareejiyay labo doonyood oo laga leeyahay dalka Mareykanka oo geeyay Xerada Ciidanka Badda ee 'Lemonnier Camp', oo saldhigeedu yahay Djibouti , ka dibna waxaa sii qaaday doonida ilaalada xeebaha Djibouti Damerjog , taas oo dib ugu celisay xeebta magaalada Jabuuti.



Developed by Jago Desain