Madaxweyne Deni oo magacaabaya wasiirada kaluumaysiga iyo Deegaanka

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda buuxiyo xilal wasiiro oo muddo ka bannaanaa xukuumadiisa.

Xilalka wasiirnimo ee madaxweyne Deni buuxin doono ayaa kala ah Wasiirka Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada oo bishii May ee sanadkii hore uu ka geeriyooday Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda oo bishii December ee sanadkii hore uu iska casilay ENG. Maxamuud Xaaji Saalax .


Madaxweyne Deni ayaa maalmihii la soo dhaafay la-tashiyadii ugu danbeeyay la sameynayay beelaha ay ka iman doonaan wasiiradda cusub.


Shakhsiyaadka loo saadaalinayo in midkood loo magacaabo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda waxaa ka mid ah sida xog lagu helay   Axmed Yuusuf Maxamed oo ka tirsan mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta Puntland, oo ay riixayaan saaxiibada madaxweyne Deni iyo nin lagu magacaabo Maxamuud Yuusuf oo madax ka ah mid ka mid ah hay’adda caalamiga ah ee ka howlgala Puntland, kaas oo isagana ay wadaan xildhibaanno iyo odayaal dhaqan oo ka soo jeeda gobolka Gardafuu, sidoo kale ragga xilkan raadinaya waxaa ka mid ah Nin Lagu magacaabo  Faarax Maxamed Faarax (fuqyare) , inkastoo isagu ka fursad yaryahay dhinacyada kale, siday xogtu sheegayso.


Dhanka kale Wasiirka Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada ayay u badan tahay in loo magacaabo Prof. Maxamed Diiriye Gama’diid oo ay wada dhasheen wasiirkii geeriyooday, kaas oo taageero ka haysta xildhibaannada iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Ceyn.

Developed by Jago Desain