Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ah oo ay ka qeybgaleen Taliyaasha Saldhigyada iyo saraakiil si la iskaga xog wareesto xaalada amniga Magaalada Boosaaso.

Shirka ayaa waxaa warbixino lagaga dhageestay Taliyaasha oo ku aadan arimaha amaanka si loo sii xoojiyo dhamaan Taliyaasha ayaa soojeediyay warbixinadooda waxayna dul istaageen howlaha sugida amniga iyagoona u mahadceliyay Taliyaha Qeybta oo mar walba ku booqda goobaha ay ka sugayaan amaanka xiliyada habeenkii iyo maalintii,

Taliye Xuseen ayaa umahadceliyey sarakiisha laamaha amniga, waxaana uu tilmaamay sida shacabka ay ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Booliska iyo qeybaha kala duwan ciidanka, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka.

Shirkaan oo Todobadkiiba mar uu Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari uu la qaato sarkiisha Booliska ayaa ah mid la iskaga xog wareesto amniga si loo sii labajabaaro howlaha sugida amaniga guud ee Gobalka Bari.
Developed by Jago Desain