Akhriso : Erayo jaceyl oo aad u macaan Mucaashaqiinta jacayl dhab ah 2021

Waa maxay Erayo Jaceyl ah? Sideese ugu qori kartaa qof aad jaceyl u qaaday erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh?

 


Halkan waxaan dooneynaa inaan kugula wadaagno erayo jaceyl ah oo aad u diri karto lamaanahaaga sida dhabta ah u jeceshahay gaar ahaan erayo romantic ah. Jaceyl dhab ah waa macaan markaad heysato ruux ku dareensiiyo


Baro erayo jaceyl oo xul ah , Darren leh oo nafta farxadgelinaya

Markaad qof jeclaatid waxaad ubaahantahay erayo dabacsan oo aad ku soo jiidan karto qofkaasi. Adeegsiga erayo jaceyl oo xul ah waa waxa ugu fudud ee aad qofka ku kasban karto. Erayadaasi ha ahaadaan erayo miisan misana qalbiga soo jiidan karo sida erayadaan soo socdo.


1. Maalinta ugu quruxda badan nolosheyda waa maalintaan adiga kula kulmay, waqtiyada ugu wanaagsan ee nolosheyda waa daqiiqadihii aan adiga kula soo qaatay. Jaceylka aan adiga ku qabo waa mid sii xoogeysanayo maalinba maalinta ka dambeyso. 

2. Mar walbaa oo aad Fariin iisoo dirto waxaan ku xafidaaa qalbigeyga, mar walbaa oo aad i eegto waxaan ku keydiyaaa xusuusteyda, Eray walbaa oo aad i tiraahdo waxaan u gudbiyaaa maskaxda, adiga iyo ficiladaada waa kuwo ku weyn nolosheyda.

3. Waxaad tahay qofka keliya ee nolosheyda dhameystiray, sow xaq uma lihi in aan ku dhaho, waxaa tahay aduunkeyga?

4. Waxaa tahay suldaanka qalbigeyga, qalbigeyguna wuu ku raaxeystaa raacidda amaradaada.

5. Waxa ugu horeeyo ee aan ka fikiro markaan hurdada ka soo kaco waa adiga. Waad ku mahadsantahay inaad aniga i dooratay.


Erayo jaceyl xikmad leh

1. Waxa ugu quruxda badan ee la helo nolosha ayaa ah Jaceyl, haduusan jirinna noloshu macno malahan. Mararka qaar noloshaada waxaa ku soo biiri doono qof kaa jeclaan doono wax walbaaa, farxadaaduna ay tahay farxadiisu. Ilmadaaduna ay dhibeyso, haduu qofkaasi noloshaadu ku jiro ilaasho, noloshaadu waa qaali.

2. Runta waa furaha Kheyr kastaa, Beentana waa furaha Xumaan iyo shar kastaa. Marka ha qiyaanin qof adiga ku jecel hana u sheegin been.

3. Guurku waa nasiib, furiinkuse waa go,aan, murugtu waa nasiib, farxaduse waa go,aan, in noloshaada qof ku jiraaa waa nasiib, inaad ilaashataaa ama ka tagtaana waa go,aan, dhamaanteen nasiib ma lihin laakin waxaan leenahay go,aan.


Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Baro Erayo Jaceyl ah Sidee loo qoraa Shukaansi qoraal ah? Sidee loogu qoraa erayo Jaceyl erayo jaceyl oo amaan ah? Geeraar jaceyl ah oo gaaban - Sawiro jaceyl ah - Ubax - Sawiro romantic ah - Sawiro - sawiro love ah - Sawiro qurux badan



Ubaxa Jaceylka

Waa maxay Erayo Jaceyl ah? Sideese ugu qori kartaa qof aad jaceyl u qaaday erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh?


Hadaba adeegso erayadaan soo socdo si,aad qalbigeeda/qalbigiisa u hanato una dareensiiso jaceylka aad u qabto iyada/asiga.



Haddii ay jirto in qof bini aadam ah baahi loo qabo nafteyda adiga ayey ku tebeysaa oo ay ku qanacsan tahay, iyadoo aanan ka fekereyn culeysyada imaan kara mustaqbalka, nafteyda ayaa kuu dhego nugul, dhegaheyga waxa ay maqlaan erayadaada oo keliya ,indhaheygana aragtidaada ayaa daawo u ah.


Waa igu adag tahay inaan saacado ku waayo waxaana taas sabab u ah qalbiga oo aan u dulqaadan karin in uu iska kaa masaxo inta aan ku sugaayo, waa ay igu adag tahay in aan joojiyo tirinta daqiiqadaha, waxaase iiga sii adag inaan ku waayo sababtoo ah xusuusteyda iyo maskaxdeyda ayaad meel adag ka degan tahay, shalaaydu waa qeyb ka mid ah guuldarada laakin tartarka soo jiidashadaada waa u qalantaa qofku in uu wajaho guuldarooyin badan.


Waan kuu riyaaqaa, waxaana tahay sababta aan u noolahay haddii aniga xageyga ay sidaas tahay ogoow meel ka mid ah dunida waxaa ku nool qof riyoodiisu tahay dhoola cadeyntaada, waan ku jeclahay in ka badan inta aan wadajirno, waxaana heystaa wax walbo oo aan u baahanahay wada joogeena, waxaad tahay rajadeyda iyo dhamaan riyadeyda wax dhib malahan wax kasta oo nagu dhaco mustaqbalka wadajirkeena ayaa wax walba ka weyn marwalbana dhinacaaga ayaan taagnaan doontaa.


Jaceylku waa dulqaad iyo naxariis waxaan jecelnahay inaan runta soo bandhigno iyadoo aan qofna la niyad jebin doonin, mararka qaar waxaad tahay qofka dadka iigu dhow ee aan qalbiyada is dhaafsano wax walba.



  Boqolaal qalbiyo aad ayey uga yar yihiin in ay qaadaan dhamaan jaceylka aan kuu qabo, maba ogeyn ebedkey macnaha jaceyl ilaa adiga aad iga soo hor baxday.


Waxaa tahay nolosheyda, noloshuna dhadhan malahan adiga la,aantaa, anigana farxad lama deriso adiga la,aantaa.


Waxaad tahay iftiinkeyga, waxaad tahay muraayadii qalbigeyga, waxaa tahay mustaqbalkeyga, maanta, beri iyo weligeedba.


Ha iloobin in aad tahay ruux ay nafteydu u riyaaqdo oo dadka kale iiga duwan.

 

Xusuusnow jaceylku waa dareen la isla sido oo qofba qofka kale dhankiisa ka daadihiyo.


Farxadeyda ugu weyn waa dhoolacadeyntaada iyo in aad mar walbaa wehelkeyga tahay.



Erayo jaceyl oo gaaban gaar ahaan kuwo romantic ah

Sida ay indhaheyga u jecel yihiin iney daawadaan muuqaalkaaga ayuu qalbigeyguna u jecel yahey xusuustaada iyo inaad mar walbaa ku dhex jirto.


Halheyskeyga waa magacaada mana garan karo sababtaasi laakiin waxaan ogahey inaa noolaha kuu jeclahey.


Anigoo dhul oomane ah socda misana heysan wax biyo ah hadaan xusuusto jaceylkaad I siisey dhab ahaan waxaan iloobaa haraadka waxaana gala jawi farxadeed.


Macaanto ma lihid saluug mana tihid sida noolaha oo kale waxaan aaminsanahey inaad wax dheertahey dhamaan aadanaha.


Ismaan laheyn Dunidaan ayaa jaceyl kugu soo marayaa jaceylkana waxaanba ka aaminsanaa wax khiyaali ah laakiin intuu I haleeley ayuu sare ila tagey waayo adigaan ku jeclaaday oo jaceylkii aan Khiyaaliga ka aaminsanaa ayaa weerar igu soo qaadey qalbigeyguna ma habsaaminee wuxuu jeclaadey qalbi u qalma jaceylka.


Sida dhibicda roobka ayaan kuu dhowrayaa oo sida ilma yaroo dhallaan ah ayaan kuu ilaaliyaa ee macaan adigoo soo jeeda ii dheh waan ku jeclahay anna.

Dadka waxey riiyoodaan markey hurdaan oo indhaha is geliyaan laakiin aniga Aaadanaha taas waan kaga duwanahey waayo qalbigeyga asoo soo jeeda ayuu kugu riyoodaa.


Riyadu weey macaan badan tahay laakin waa goortee? Goor kale ma ahan ee waa goorta aan laabteyda kugu heysto.


Jaceylku wuxuu leeyahay farxad iyo reyn reyn laakin qof walbaa ma dareemi karo marka laga reebo qofka adiga sida dhabta ah kuu jecel. Aniga hadda waxaan dareemayaa farxadaasi, sow xaq uma lihi inaan ku dhaho: Waxaa tahay farxadeyda.


Fariintaan adigoo akhrinayaa wax yar indhaha isku qabo kadib aayar feyd indhaha waxaad arkeysaa anigoo kuu sida ubax casaan ah.

Midigta waxey kaashataa bidixda indhahana waxey kaashadaan ileyska si ay wax u arkaan anna waxaan kaashadaa adiga.


Waxaan kuu soo taagaya gacan Kalgaceyl ee aayar usoo qabso gacanteyda qalbigana geli sidii aanu nahey ul iyo diirkeeda kadib aayar talaabada iila qaad oo isii jaleeco Kalgaceyl waxaan kugu hogaaminayaa beerta raaxada.


Ma lihi khiyaar kale illaa aad ila joogto mana lihi awood kale oo aan wax ku jeclaado waayo qalbigeyga adiga ayaa durba camirey.


Xabiibti qalbigeyga ayaad ku camirtey jaceyl mug weyn anna waxaan kuu balan qaadayaa inaan ku siiyo Kalgaceyl hufan oo la mid ah kaaga.


Ilinta iga qubaneysaa waa jaceylkaan kuu qabo calaamadiis mana haayo sabab kale oo aan kugu dareensiiyo waayo maba jirto awood ka dhakhsi badan oo aad ku fahmi karto waxa qalbigeyga kuugu jira.

Developed by Jago Desain