Booliska oo la wareegay amniga hoolka doorashada ee Kismaayo (SAWIRRO)

 

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) iyo xubno ka mid ah Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed Jubbaland ayaa maanta kormeeray goobta lagu wado inay ka dhacdo Doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, qaybtooda Jubbaland.

Labada guddi ayaa si wadajira u soo kormeeray hoolka doorashada, oo berrito lagu dooran doono laba ka mida afarta kursi ee Hoggaanka Jubbaland uu liiskooda soo gudbiyay.

Jubbaland oo sideed xubnood ku leh Golaha Aqalka Sare ayaa afarta kursi ee kale waxaa doorashadooda la muddeen doonnaa, ka dib marka uu Maamulka Jubbaland soo gudbiyo liiskooda.


Dhanka kale labada guddi ayaa amniga hoolka doorashada ku wareejiyay Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM, oo la faray inay suggida amniga iska kaashadaan.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Sadiiq Maxamuud Dhogor ayaa sheegay laga bilaabo maanta inay ka masuul yihiin amniga goobta doorashada, iyagoo kaashanaya Booliska AMISOM.

Maamulka Jubbaland ayaa noqonayo maamulkii ugu horeeyay ee qabta Doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare.





Developed by Jago Desain