Booliska oo Qabtay Maandooriye Lagu soo dhex Qariyey Khudaar


Saldhiga ciidanka booliska ee degmada Axmed Dhagax ayaa gacanta kusoo dhigay tiro maandooriyaha xishiishadda ah oo la soo gelinayay dalka.

Taliyaha saldhiga ciidanka booliska ee degmada Axmed dhagax iyo saraakiil kale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ay ku soo dhigeen 35 xabbo oo ah maandooriyaha xashiishadda loo yaqaan kaasi oo lasoo geliyey magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, waxaanaa ay tilmaameen in falkaasi ay u soo xidheen lix eedaysane isla markaana ay ku dabo jiraan eedaysnayaal kale oo baxsad ah. Saraakiisha ciidanka boolisku waxay intaas ku dareen in eedasanayaasha la hayaa ay isugu jiraan kuwii dibadda ka keenay maandooriyaha iyo kuwii sii iibinayay.


Saraakiisha ciidanka Booliska Somaliland waxay sheegeen in maandooriyahan xashiishadda lagu soo dhex qariyay markii dalka la keenayay khudaarta baradhada iyo basasha halka qaar kalena lagusoo qariyay maryaha ganacsiga. Waxaana ay tilmaameen inay maandooriyahan ay ku dabo jireen muddo laba cisho ah, ugu dambaynna ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan maandooriyahaasi xashiishadda iyo ciddii ku lug lahayd. 


Gebo gebadii waxay sheegeen inay ku dabo jiraan eedaysanayaasha baxsadka ah ee iyaguna ku lug lahaa falkan, iyagoo sheegay in sharciga horgeyn doonaan cidkasta oo ku lug lahayd falkan maandooriyaha lagu soo gelinayo Somaliland.

Developed by Jago Desain