Heesta “Macaan kaalay” ee Fanaanka Suldaan Seeraar oo qoraal ah (Akhriso)

heeso cusub,heeso qaali ah,Heeso qoraal ah,suldaan seeraar Heesta “Macaan kaalay” ee Fanaanka Suldaan Seeraar oo qoraal ah (Akhriso)

 


Intaan maaweelin karo

nafta waan madadaaliyee

markaan diiday waroo dhan

nafta waan madadaaliyee

Mar hadaanad ila joogin

noloshuba macaan ma le

ilayn waad ka maqantee

magaaladu iftiin ma le

Meel kastoo xubnahayga

ka midaa ku tabaayaa

maqnaantaada dhibaysa

iga daa mudo dheere

maalmahan socda kaalay

kasoo muuqo agtayda


Intaan samir muujin karo

nafta waan ku muquuniyee

ma yaraysan dulqaadna

Intaad maqantay dheertahay

hurdo kuma ladaayee

ma huraankii nolosha

sow ma ogid inaad tahay.

Developed by Jago Desain