MADAXWEYNE FARMAAJO OO UGU HAMBALYEEYAY SHACABKA SOOMAALIYEED CIIDDA CARAFO

Madaxwaynaha Dawlada fedraalka soomaaliya madaxwayne Maxamed c/laahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan ciida carrafo u diray shacabka soomaaliyeed  iyo muslimiinta caalamka ee u dabaaldagaya farxada ciidan , madaxwynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan ee ciidda carafo wuxuuna ku bogaadiyay dadka soomaaliyeed inay is kaalmeeyaan , danta guud oo amnigu ugu horeeyo 

wuxuu yiri madaxwaynahu:

waxaan ugu hambalyaynaayaa dhamaan ummda soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka munaasabadan barakaysan ee ciida carrafo oo ah mid ku wayn diinteena iyo dhaqankeena suuban 

maalmahan barakaysan ee ciida carafo waa maalmo ku suntan khayrka iyo cibaadada iyadoo dadka muslimiinta ay ku hawlanyihiin gudashada waajibaadka xajka , walow ay sanadka u suurtagalin muslimiin badan inay gutaan waajibaadka diiniga ah , sababa caafimaad oo la xiriira cudurka saf marka ah ee covid 19 , sidaas darteed waxaan ku boorinaayaa dadka soomaliyeed , gaar ahaan xujayda soomaaliyeed ee qorshaynaayay sanadka inay gutaan rukniga xajka , in ay badalkiisa , ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyadu kamid ah acmaasha ugu wanaagsan ee rabbi loogu dhawaado .

si gaar ah waxaan hambalyo iyo bogaadin ugu diraayaa , dhamaan ciidankeena qalabka sida , ee geesiyaasha ah , oo har iyo habeen u taagan difaaca qarankooda , gaar ahaan waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraayaa , halyeeyadeena ku qaadanaaya maalmahan barakaysan furimada dagaalka iyo xarumaha difaaca dalka 

ugu danbayntii waxaan alle ka baryaynaa in ciidan ciideeda kale uu alle nagu gaarsiiyo , barwaaqo muidnimo , horumar iyo amni buuxa

sidoo kale waxaan alle ka baryaynaa inuu u naxariisto dhamaan dadkeenii naftoodii ku waayay difaaca iyo horumarka dalkeena 

ciid wanaagsan .. ciid mubaarak
Developed by Jago Desain