sawiro: TPLF oo isku fidinaysa gobolka Amhara iyo Abiy Axmed oo eedayn ujeediyay UN-ka

sawiro: TPLF oo isku fidinaysa gobolka Amhara iyo Abiy Axmed oo eedayn ujeediyay UN-ka

 


Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay xoogeysteen dagaalladii ka socday ismaamulka Amxaarada halkaas oo lagasoo sheegayo xaalado bani aadanimo.

Afhayeenka R/wasaaraha Itoobiya ayaa warsaxaafadeed uu kasoo saaray magaalada Addis Ababa wuxuu eedayn ugu jeediyay beesha caalamka in aysan kaalinteeda ka qaadan joojinta colaadda ka socota waqooyiga wadankaasi.

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa ayaa Q.Midoobay ku dhaliishay in aysan cambaarayn kooxda TPLF oo ay sheegtay in ay ammaan darro ka waddo gayiga Itoobiya.

Dhinaca kale maleeshiyaadka qowmiyadda Tigreega ayaa iskusii fidinaya deegaanno katirsan gobolka Amhara, ilo wareedyo ayaa sheegaya in gobolka Wallo uu qarka usaaranyahay in uu ku dhaco gacanta ciidamada TPLF.

Wariyaal ayaa soo sheegay in isku dhaxyaac laga dareemayo sufuufta ciidamada melleteriga Itoobiya ee ku sugan ismaamulka Amhara, inta badan degmooyinka iyo deegaannada gobolka Wallo waxaa gacanta ku dhigay maleeshiyaadka Tigreega.

Shalay ayay TPLF lasoo wareegeen degmooyinka kala ah Waldiya iyo Kobo, sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gaadiidkii gaashaanaa ee melleteriga Itoobiya oo ugacan gelaya TPLF






Developed by Jago Desain