Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Aqalka Sare ee Kismaayo



Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ka bilaabatay diiwaangelinta sagaal musharax, oo u tartami doona afar kursi oo ka mid ah sideedda kursi ee Maamulka Jubbaland ku leeyahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Shuruudaha laga doonayo musharaxiinta waxaa ugu muhiimsan inuu noqdo muwaadin Soomaali ah, inaanu wax dembi ah gelin, inuu warqad caddayn ah ka soo qaato laamaha amniga iyo inuu labaatan kun oo dollar ku shubo koontada Guddiga Doorashooyinka. Haweenka musharaxiinta ayayna tahay inay iyagu bixiyaan kala bar lacagtaasi.


Sagaalka musharax ee ku tartami doona afartaasi kursi mid ka mida waa haweeney, iyadoo laba kalena ay ka mid yihiin Senatoradii hore ee Aqalka Sare.

Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed Jubbaland ayaa shahaadada musharaxinimada guddoonsiiyay toddobo ka mida sagaalkaasi musharax. Khamiista berrito ayaana la qaban doonnaa doorashada laba ka mida kuraastaasi.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa dooran doona musharaxiinta u taagan xubinimada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Dhanka kale Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Federaal, Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa ka garnaqi doona oo dhageysan doona, haddii musharaxiinta iyo beelaha qaarkood ay cabasho ka keenaan doorashada.

Kismaayo waxaa horey ugu sugnaa Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro).

Ciidamada amniga ayaa adkeeyay amniga Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Jubbaland.

Developed by Jago Desain