6 Sabab oo ay tahay inaad u kacdo subixii Aroortii wakhti hore

6 Sababood oo ay tahay inaad u kacdo subixii waqti hore caafimaad,arimaha qoyska,Arimaha Bulshada,

 


Waxaa la isku raacay dadka subixii hore kaca in ay ka cafimaad badan yihin dadka hurdada ku daaha ama xiliga danbe seexda.

Qofka seexda xili hore kacana xili hore wuxuu ka cafimaad badan yahay kan xalay oo dhan soo jeeday maalintiina hurda.

Maxay faaido leedahay kalahaadda subixii hore ?

1-Salaadda fajar kama tageyso waxaad noqoneysaa mid ilaaliya saladda fajar xadiis ayaa ahaa qofkiii ilaaliyaa labada saladood ee qabowga in uu janada galayo.

2-Qofka kaca subixii hore wuxuu maalintiis ku bilaabay maalin weyn oo u dareemayo farxad iyo in uu wajaho howl malmeedkii u yaalay.

3-Dadka subixii hore kaca waxay haystaan waqti u dhaxeyso haddii ay shaqo tagi laheyeen oo ay ku sameyn karaan jimicsi iyo in ay lugayaan 30 daqiiqo.

4-Subixii hore waxaa soo baxda qoraxada oo midaba kala gaddisan leh dadka hurdada ku daaha ma argaan sheygaas quruxda badan oo indhaha u roon.

5-Kalahida waxay ku bareysaa ilaalinta balanka iyo in aad noqotid qof balan leh, dadka ku daaha hurdada ma ilaaliyan balanka Kuma fiicno in lala balamo subixii.

6-Kacida subixii hore waxay yareysaa diiqada/stresska iyo Wal walka qofka haaya xunnka maskaxada waxaa u roon in uu seexdo xili hore soona kaca xili hore kaddibna uu jimicsi sameeya.

Developed by Jago Desain