Booliska gobolka Bari oo gacanta ku dhigey lacag 2 milyan oo faalso ah.

Booliska gobolka Bari oo gacanta ku dhigey lacag ka badan laba milyan oo doollar iyo Euro ah oo faalso ah.

 

Booliska gobolka Bari oo gacanta ku dhigey lacag ka badan laba milyan oo doollar iyo Euro ah oo faalso ah.

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa manta howlgalo ay sameeyeen ku qabtay lacago Faalso ah oo iskugu jirtay Doolar iyo EURO oo la donaayya in si qarsoodi ah lagu geliyo magaalada Bosaaso.

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa soo bandhigay Lacagtaan faalsada oo gaaraysay  in ka badan 2Milyan iyo lix boqol iyo sodon kun, taas oo iskugu jirtay lacagaha dolarka iyo yuurooda, islamarkaana waraaqaha lacagaha ay isugu jireen oo ku qornaa midkiiba boqol kun, iyo Toban kun, iyo kun.

Goobta lagu soo bandhigay lacagtan been abuurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa duqa magalada Boosaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil Taliyaha Booliiska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud iyo Maamulaha Bangiga Bosaaso Muuse Ow Xuseen Ducaale.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay lacagaha faalsada ah, ayaa sheegay in ciidamada Booliiska ay ku guulaysteen qabashada lacagtan iyo dadkii watay isagoo sheegay in ciidamada ay dadka iyo dalka ka badbaadiyeen in shacabka lagu dhaco laguna dhibaateeyo, taas oo wadata khatarteeda hadii ay gali lahayd suuqyada magaalada Bosaaso.

Taliyaha ayaa ugu danbayntii sheegay in sharciga la horgayn doono cidii wadatay lacagtaas sidoo kalana u mahad-celiyay ciidamada Booliiska oo ku guulaystay in gacanta lagu soo dhigo lacagtaas.








Developed by Jago Desain