Calaamadaha Lagu Garto Marka wiilku Ku Ciyaarayo Qalbigaaga

Calaamadaha Lagu Garto Marka wiilku Ku Ciyaarayo Qalbigaaga arimaha qoyska,Jacayl,lamaanaha

 


Waxaa laga yaabaa inaad la kulantay oo xiriir aad yeelateen nin noocaad rabtay ah laakiin ma hubtid inuu ku rabo iyo in kale. Tani waa wax ku dhaca dumar badan.

Marka gabadhu ay la kulanto nin islamarkaana ay xiriir yeeshaan, mar walba ma jirto wax damaanad ah inuu dhab ka yahay rabitaanka iyo jaceylka. Waxaa laga yaabaa inuu halkaas u joogo inuu qalbigaaga ku ciyaaro.

In kasta oo ay adag tahay inaad ogaato in uu qalbigaaga ku ciyaarayo iyo in kale, haddana waa kuwan calaamado kaa caawin kara inaad ogaato runta.


1. Wuu iska kaa mashquuliyaa

Haddii uu had iyo jeer si aad ah isku mashquuliyo mar kasta oo aad rabto inaad la kulanto, markaa ogow inuusan kaliya qiimeynin waqtiga uu kula qaadan lahaa laakiin sidoo kale uusan adiga ku jecleyn islamarkaana uusan dan kaa lahayn.


2. Ma rabyo noloshaada

Ninka daneeya qalbigaaga iyo sida aad dareento waa mid mar walba raba inuu wax badan ka ogaado noloshaada.

Haddii uusan dan ka lahayn ogaanshaha waxyaabaha ama arrimaha noloshaada khuseeya, markaa ogow inuu qalbigaaga uun ku ciyaarayo.


3. Wuu ku qarinayaa

Si aad u ogaato in ninku si dhab ah uu kuu rabo iyo inkale, marnaba ka xishoon maayo inuu kusoo bandhigo oo ay dadku ogaadaan inaa tahay jaceylkiisa mana qariyo waxa idinka dhexeeya labadiinaba.

Developed by Jago Desain