Faransiiska oo shaacisay in Mareykanka & UK ay dhabarka ka toogteen

Faransiiska oo shaacisay in Mareykanka & UK ay dhabarka ka toogteen

 

Mareykanka iyo UK ayaa wajahaya cambaareyn caalami ah oo ku saabsan heshiiska cusub ee ammaanka ee ay la saxiixdeen Australia.

Heshiiskan – oo loo arko dadaal lagula dagaallamayo Shiinaha – ayaa Mareykanka iyo UK waxay Australia ku siiyeen teknolojiyad lagu dhiso maraakiib badda hoostiisa ah oo ku shaqeeya quwadda nukliyeerka.

Balse tallaabadan ayaa ka careysiisay Faransiiska, oo sheegay in “dhabarka laga toogtay”, halka Shiinaha ay saddexdan dal ku eedeysay inay wadaan “Dagaal Qabow”.

Heshiiskan ayaana sare uqaaday cabsida ah inuu sababi karo dagaal lala galo Shiinaha.

Isbahaysigan, oo loo yaqaanno Aukus, ayaa waxaa Arbacadii ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson iyo dhiggooda Australia Scott Morrison.

Inkastoo aysan soo hadal qaadin Shiinaha, haddana Aukus ayaa loo arkaa dadaal lagula loollamayo saameynta Beijing ee Badda Koofurta Shiinaha.

Johnson ayaa mar dambe xildhibaannada u sheegay in heshiiska “aanan loola dan lahayn in la isugu tago” Shiinaha.

Balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa su’aal weydiisay Theresa May oo xilkaas kaga horreysay, taas oo ku saabsaneyd in heshiisku uu Britain ku hoggaamin karo dagaal lala galo Shiinaha.

Waxay Ra’iisul Wasaaraha weydiisay “cawaaqib xumada” ka dhalan karto isbahaysiga iyadoo Shiinuhu uu heysto Taiwan.

Johnson ayaa ku jawaabay: “UK waxaa ka go’an difaaca shuruucda caalamiga ah taasina waa talada ugu awoodda badan ee aan siin lahayn saaxiibbadeen caalamka, waana talada ugu awoodda badan ee aan siin lahayn dowladda Beijing.”

Taiwan ayaa isku heysata dal madax bannaan, balse Beijing ayaa kordhisay cadaadiska ay saarto jasiiraddaas oo ay u aragto ismaamul gobol oo dalkeeda ka tirsan.

‘ Xilli ay xaaladdu aad u hooseyso’

Dhanka kale Washington ayaa isku dayday soo afjaridda carada Paris ee hesiiska, oo ay ku kacayso malaayiin doollar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa arrintaasi ku tilmaamay “dhabar toogasho”.

Wuxuu ku tilmaamay “go’aan xaasidnimo leh, si keli ah loo qaatay oo aan la saadaalin karin” kaas oo soo xusuusiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Diblomaasiyiinta Faransiiska ee Washington ayaa aargoosi ahaan u baajiyay xaflad loogu dabaal degi lahaa xiriirka Mareykanka iyo Faransiiska.

“Waa xilli aad u hooseeya,” ayuu yiri safiirkii hore ee Faransiiska u fadhiyay Mareykanka, Gérard Araud. “Mareykanka wuu ogaa in qandaraaskan iyo qandaraaskan istaraatiijiyadeed ay muhiim u yihiin danaha Faransiiska, Mareykankuna dan kama gelin.”

 

Xoghayaha arrimaha gudaha Mareykanka Antony Blinken ayaa Faransiiska ku tilmaamay “saaxiib muhiim ah” wuxuuna sheegay in Washington ay weli “si dhow” ula shaqeyn doonto Paris.

Xoghayaha Warbaahinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa meesha ka saartay tabashada Faransiiska.

“Waxaa jira dhowr iskaashi oo uu Faransiisku ku jiro iyo kuwo uusan ku jirin, waxayna iyaguba iskaashiyo la leeyihiin dalal kale oo aynaan annagu ku jirin,” ayay tiri. “Taasina waxay qeyb ka tahay sida ay u shaqeyso diblomaasiyadda caalamka.”

‘Isbeddel istaraatiijiyadeed oo weyn’

Heshiiska, oo sidoo kale ay dalalkan is bahaystay ku wadaagayaan awoodaha internet-ka iyo teknolojiyado kale, ayaa la taliyaha ammaanka qaranka ee UK Stephen Lovegrove wuxuu ku tilmaamay inuu muujinayo “isbeddel istaraatiijiyadeed oo weyn”.

Waxay la micno tahay in Australia ay noqon doonto dalkii toddobaad ee dunida ee adeegsada markab quwadda nukliyeerka ku shaqeeya.

Lovegrove ayaa sheegay in heshiisku uu yahay “iskaashiga awoodeed ee ugu muhiimsam ee ka dhaca meel dunida ka mid ah 60-kii sano ee la soo dhaafay”.

Shiinaha, ayaa dhanka kale, ku eedeysay isbahaysiga inay ku fekerayaan dagaal qabow kaas oo dhaawici kara danahooda gaarka ah.

Wargeyska ay dowladda Shiinaha leedahay ee Global Times ayaa ka digay soo safidda ciidan, isagoo intaa raaciyay in ciidamada Australia ay u muuqdaan inay noqonayaan “kuwa ugu horreeya ee ku dhinta” “iska caabbinta” Shiinaha.

Maantana, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in quwadaha shisheeye aan loo oggolaan inay farageliyaan arrimaha dalka.

“Mustaqbalka horumarka dalka waa inuu si adag ugu jiraa gacmaheenna,” ayuu yiri, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.

Balse wasiirka gaashaan dhigga Australia, Peter Dutton, ayaa iska riixay falcelinta Beijing.

“Tani maaha markii ugu horreysay ee aan aragnay sida uu Shiinuhu uga careysan yahay Australia,” ayuu yiri.

“Waxaynu nahay dimuqraaddiyad aan ku faanno. Waxaynu deriskeenna ku garab taagannahay hubinta nabadda, iskaashiganna wuxuu gobolka ka dhigayaa mid ammaan ah. Taasi waa xaqiiqda dayaacad kastana ma dafiri karto xaqiiqda.”

Dhanka kale, Shiinaha ayaa Khamiistii codsatay inay ku biirto heshiiska muhiimka ah ee ganacsiga Asia-Pacific iyadoo uga dan leh xoojinta halka ay kaga jirto gobolka.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas, ayaa si kastaba, beenisay in tallaabada loogu biirayo heshiiskan ay jawaab u tahay kan isbahaysiga UK, Mareykanka iyo Australia.

Haddii ay ku biirto heshiiska CPTPP, oo ay sanadkii 2018 saxiixeen 11 dal oo ay ku jiraan Australia iyo Japan, ayaa wuxuu xoojin doonaa awoodda ganacsi ee Shiinaha


xigasho : wakaaladaha wararaka +BBC


Developed by Jago Desain