Farmaajo iyo Rooble oo qarka u saaran iney heshiis ka gaaraan khilaafkii jiray

Farmaajo iyo Rooble oo qarka u saaran iney heshiis ka gaaraan khilaafkii jiray


Sida ilo xog ogaal oo aan  helay sheegayaan, Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble ayaa la filayaa inay heshiis ka gaaraan khilaafkii u dhaxeeyay, iyadoo uu RW Rooble la filayo inuu ka tanasulo qodobadii uu ku dhaganaa qaarkood

Waxaa la filayaa in la sameeyo isku shaandhayn yar oo golaha wasiirada ah, taasoo sababi karta in Wasiirka amniga oo uu RW Rooble magacaabay ee C/llaahi Maxamed Nuur loo weeciyo wasaarad kale, halka agaasimaha Nabadsugidana isbadal lagu sameynayo.

Kadib cadaadis dhawr ah oo RW Rooble uga yimid dhinacyo kala duwan, waxaa RW la sheegay in si doorashadu u socoto uu wax walba ka hormarin doono.

Shirkii Maamul goboleedyada ee uu RW Xalay shir gudoominayay, ayay inta badan maamul goboleedyadu isku aragti ka noqdeen in khilaafka siyaasadeed uu dib u dhac u keeni karo doorashada.

Kiiska Ikraan ayaa la filayaa in loo daayo hay’adaha cadaalada

Developed by Jago Desain