Haddii Rooble iyo Farmaajo ay heshiin waayaan maxaa dhici kara?


Kadib kulan saacado badan qaatay oo shalay ilaa xalay u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilli dambe oo xalay ah waxa natiijo la'aan ku soo idlaaday shirarkaas.

Dad xog ogaal ah ayaa sheegay in arrinta taliyayaasha ay labada mas'uul u kala magacaabeen hay'adda sirdoonka iyo kiiska Ikraan Tahliil ay yihiin qodobada ugu adag ee la isku fahmi waayay.

Lama oga in wadahadallada oo ay dedaal badan ku bixiyeen madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed mar kale dib maanta la isugu soo laaban doono.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayuu u dhaxeeyaa khilaaf aad usoo shaac baxay isbuucan oo ku soo aaday xilli lagu dadaalayay inay qabsoonto doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.
Maxay ka dhigtahay in dadaalladii shalay ilaa xalay socday ay miro dhal noqon waayaan?

"Horta aan wadahadalno waa aan heshiino, waana soo dhaweyneynaa inay wada hadlaan oo ay is horfariistaan madaxda iyadoo weliba ay dadaal ku bixinayaan mas'uuliyiin kale oo Soomaali ah, xalay in lagu kala tago arrintaas aad ayay shacabka Soomaaliyeed uga niyad jabeen, waxaa la sugayay in lagu heshiiyo sababtoo waxaa muuqday in wax badan oo lagu heshiin waayo aysan meesha saarnayn laakiin waa soo baxday mar haddii lagu kala tagay inay jiraan wax badan oo lagu kala duwan yahay oo aad loogu kala aragti duwan yahay waana wax laga xumaado in hal koox oo dowlad isku ah oo wada joogo hal guri oo 500 oo mitir ah ka yar ay hogaanka dalka isku fahmi waayaan, arrintaasi niyad jab weyn ayay keentay," ayuu yiri Agaasime kuxigeenka Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda Mursal Maxamed Saney oo BBC-da u warramay.

Waxyaabaha la sheegay in la isku hayo

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn haddana wararka qaar ayaa sheegaya in waxyaabaha la isku hayo oo waliba ay adkaatay in xal laga gaaro ay yihiin laba qodob oo kale ah arrinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo arrinta taliyaasha nabad sugidda ee ay kala magacaabeen madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaarihiisa Rooble.

Iyadoo arrimahaan aan kor ku soo xusanay ay u muuqdaan kuwa isa saaran isla markaana saldhig u ahaa khilaafka ayaa dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxaa ay sheegayaan in arrimahaan aysan noqon karin caqabad ay labada mas'uul ee dalka ugu sarreeya ay isku fahmi waayaan.

Mursal Maxamed Saney Agaasime kuxigeenka Machadka Heritage,ayaa qaba in qodobbadaan ay yihiin kuwa fudud oo xal laga gaari karo maadaama ay madaxda horyaallaan arrimo kale oo culculs oo ay doorashadu ka mid tahay .

"In lagu heshiin waayo waa nasiib darro Ikraan cadaalad ayay u baahantahay waalidkeeda cadaalad ayay ubaahanyihiin,hoggaanka amniga oo la magacaabay in la isku hkilaaf-na qudheedu waa wax meesha ku jira oo qof walba dhinac ayuu ka fiirinayaa, haddii raysal wasaaraha la waydiiyo wuxuu leeyahay amniga aniga ayaa mas'uul ka ah haddii madaxweynaha la wayadiiyana wuxuu leeyahay anaa aha taliyaha ciidamada qalabka sida marka qof walba waxbu adeegsanayaa maadama dastuurkiina ku meel gaar yahay" ayuu yiri Mursan Saney.

Wuxuu aaminsanyahay in haddii si dhab ah loo wadahadallo ay madaxdu ka heshiin karaan arrintaan si aaney dhibaato hor leh u abuurin.

Haddii dadaallada gudaha guuleysan wayaan gacan shisheeye ma imaan kartaa?


Waan-waanta socota hadda waxaa wada oo hormuud ka ah madaxda mamaul goballeedyada Koofur galbeed iyo Galmudug kuwaas oo ku dadaalaya in xal laga gaaro khilaafkaan iyo xiisadda ka dhalatay hase yeeshee waxay u muuqataa in aaney wali ka gaarin natiijo la taaban karo, waxaase la is waydiinayaa haddii sida qorshuhu yahay wax u dhici waayaan oo dadaallada lagu wadahadaheshiinayo mas'uuliyiinta dalka ugu sareeysa la isku fahmi waayo ma imaan kartaa faragalin dhanka caalamka ah oo la isugu keenayo Farmaajo iyo Rooble?

"Waxaan aad u aaminsaanahy oo aan markasta ku cel-celinaa in Soomaalida iyaga xallistaan arrimahooda sababtoo ah ceeb ayay nagu tahay in 30 sannadood iyo ka badan nalagu dhex-jiro balse haddii la heshiin waayo khasab ayay nagu noqonaysaa, oo xitaa hadda waxaa dalka ku sugan ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Mioobay Aamina Maxamed, waxayna la kulantay raysal wasaaraha iyo madaxda Maamul Goboleedyada marka waxa laga hadlaayo ugu weyn waa doorasho iyo arrimaha cadaaladda marka arrimahan faraha ayay la soo geli doonaan iyadoo intaan laga fool-xun-yahay oo Soomaalida ay ka ihaaneysantahay shacab iyo madaxba ayaa waxaa la isku khasbi doonaa wixii markaas loo arko inay xal tahay ," ayuu yiri Musrsal.

Haddii dib la isugu soo laabto miiska wadahadalka oo ay mar kale heshiin waayaan Rooble iyo Farmaajo maxaa dhici kara?


"Haddii ay timaaddo in lagu heshiin waayo waxaa inoo muuqda in colaad iyo dhibaato keeni karto, taas waan ka digeynaa in dalkaan loo horseedo colaad iyo dhibaato, dalkaan waxaa la rabaa in doorasho la aado oo sidii horay u dhici jirtayba si nabad ah la isugu wereejiyo xilka xitaa haddii madaxweynaha hadda joogo dib loo soo doorto waaa in dalka uu sii hogaamiyo."

Wax la isku khilaafaba meesha ma yaallaan wax fudud waaye, marka waxaan ku talinaynaa in Soomaalida aan la daalin oo aan dalkaan lala barbardhigin Afghanistan, dad baa raba in Soomaaliya ay dib u celiyaan marka waan in aan dadkaas loo fududeyn hadafkooda," ayuu yiri Agaasime Mursal.


Developed by Jago Desain